Xukuumadda Oo Ka Hadashay Derejada Bad-mareen Ajanebi Ah Oo Meydkiisu Laba Bilood Yaallo Berbera & Xogo Ku Saabsan Geeridiisa

0
53

Waxa Uu Ka Tirsanaa Markab Uu Wakiil Ka ahaa OOMAAR Company

 

 “ [Kabtanka] Baasaaboorkiisu Wuxuu Ahaa Kii Nolosha, [Waxaana Meydkiisa La Doonayaa] In Loo Sameeyo Baasaaboor Meyd, Oo Hawshiisa Waa Lagu Maqan Yahay”

Berbera (Hubaal)- Xukuumadda Somaliland Ayaa Markii u horeysay faahfaahin ka bixisay bad-mareen U dhashay dalka Romania oo kabtan ka ahaa Markab ay shirkadda Oomar Wakiil Ka ahayd, kaasi oo geeriyooday Muddo laga joogo laba bilood, illaa waqtigaasna uu Meydkiisu yaallo qolka meydka ee cusbitaalka Berbera.taliyaha socdaalka saaxil

Taliska qeybta ee Waaxda Socdaalku ku leedahay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaa shaaciyey magaca meydkan iyo sababta meydkiisu illaa hadda ugu huursan yahay qaboojiyaha, iyaga oo soo bandhigay muuqaalka marxuumka iyo aqoonsiyo isugu jira kuwa dhalashada iyo shaqada iyo weliba dhukumentiyo kale oo la xidhiidha noloshiisa. Taliyaha laanta socdaalka ee Magaalada Berbera Md Xasan Maxamed Ibraahim, oo shalay xog-waran kooban xafiiskiisa ku siiyey Weriye Maxamed Cabdillaahi Soofadhiiste oo ka mid ah weriyeyaasha ka hawl gala magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera ayaa ka warbixiyey meydka kabtakan Roomaaniyaanka ah oo wade ka ahaa mid kamid ah maraakiibta xamuulka qaadda ee ay wakiilka ka tahay shiradda Oomaar oo loo yaqaanno Muxsin, waxaanu xaqiijiyey in medkiisu uu muddo laba bilood ka badan qaboojiyaha ku jirey, isla-markaana ay weli qabyo tahay hawshii loogu talo galay in lagu geeyo dalkii uu u dhashay. Ugu horrayn taliyaha laanta socdaalku waxa uu ka hadlay sababta uu meydkaasi muddada intaas le’eg u yaallo, waxana uu sheegay in qaabkii loo dhoofin lahaa dhibi ka taagan tahay, “Sababta Meydkani U Yaallaa Waxa Weeye Ninkaas Kabtanka Ah Baasaaboorkiisii Hore Waxaa Uu Ahaa Kii Nolosha, [Waxaana Meydkiisu Weli U Yaallaa Oo La Doonayaa] In Baasaaboor Meyd Loo Sameeyo, Hawshiisana Waa Lagu Maqan Yahay Oo Romania ayaa Looga Soo Samaynayaa”, sidaa ayuu yidhi Madaxa Laanta Socdalka Berbera, waxaana uu intaa ku daray “Waxaanu filaynaa inuu toddobaadka soo socda dadkii qaadi lahaa soo galaan.”ayuu yidhi taliye Xasan Maxamed Ibraahim. Taliyaha oo hadalkiisa sii wata, ayaa faahfaahin ka bixiyey markabka uu ninkaasi wadaha ka ahaa iyo sababta geeridiisa loo nisbaynayo, waxana uu yidhi,lll kabtanka

“Ninkani markabka uu waday waxa la odhan jirey Muxsin, waxana wakiil ka ahaa Shirkadda Oomaar, sababta uu u dhinteyna lama xaqiijin karo, laakiin waxa uu ahaa nin markabka saarnaa, waxana uu diiday fasaxii, waxana la sheegay inuu ahaa nin yara xanuunsanaya oo daawooyin kasoo iibsaday Magaalada Dubai.”

Xukuumadda Somaliland, ayaa wali si rasmi ah uga hadlin meydkan raagay ee Kabtan u dhashay dalka Romania marka laga reebo hadalkan kooban ee Taliyaha laanta socdaalka Berbera.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here