Borama(Hubaal)-Xukuumadda Somaliland iyo Suldaan Wabar ayaa la sheegayaa inay isla af-garteen qorshe maalmahanba u socoday oo ah sidii loo soo xero-galin lahaa Maleeshiyadaas.
Illaa hada Xukuumadda iyo kooxda Wabar toona kamay hadal qorshahan hase yeeshee wararka ka soo baxaya gobolka Awdal waxa ay sheegayaan inay labada dhinac gaadheen Heshiis ah in ay maleeshiyadu soo xero-gasho tabashadoodana la dhameeyo.
Soo xero-galinta Suldaan Wabar ayaa la filayaa inay toddobaadkan gudihiisa qabsoonto, iyadoo la hadal hayo in laga dareemayo deegaanka uu Suldaan Wabar ku sugan yahay dhaqdhaqaaq muujinaya calaamado u dhaw in ay suurtogal tahay qorshaha labada dhinac wada gaadheen. Qorshahan Suldaan Wabar ayaa toddobaadkii aynu ka soo gudubnay ku dhawaaqay magic cusub oo ay kooxdiisu la baxday iyo astaamo muujinaya in kooxdiisu ku hawl-gali doonto, hase yeeshee lama oga cida ka shaqaysay qorshahan soo baxaya ee sheegaya in ay Heshiiyeen Xukuumadda.
Soo xero-galinta Suldaan Wabar ayaa u muuqata inay ku soo beegantay kadib markii Xukuumaddu isku shaandhayn ku samaysay masuuliyiinta kala duwan ee hay’addaheeda, kuwaas oo ay Beesha Suldaan Wabar soo dhaweysay, kadib markii manaasiib kala duwan lagu wareejiyey qaar ka mid ah masuuliyiin ka soo jeeday Gobolka Awdal.