Xukuumadda Oo Dalka Kusoo Dhawaysay Wefti Ingiriis Ah Oo Ay Xildhibaanno Qaddiyada Somaliland U Ololleeya Xubno Ka Yihiin

0
21

“Waa Markii Ugu Horaysay Oo Wefti Ka Wada Tirsan Xisbiyada Kala Duwan Ee UK Ay Yimaadaan  Somaliland, Waxaanuna Ka Tirsanahay Dhammaan Xisbiyada   UK”- Xildhibaan Stephen Moore

“Qofku Inuu Qadiyaddaada Difaaco Waxa Muhiim U Ah Inuu Marka Hore Xaaladdaada Arko,   Xildhibaannadanina  Waxay   La Hadli Doonaan  Bulshada Iyo Dawlada Somaliland” – Safiirka Somaliland U Fadhiya UK Ayaan Cashuur

Hargeysa(Hubaal):-Wefti xildhibaano ah oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska ayaa soo gaadhay magaalada Hargeysa shalay. Weftigan oo iskugu jira xildhibaano ka kala tirsan xisbiyada kala duwaan ee dalka UK ayaa u kuur gali doona xaalada somaliland. Wasiirka arimaha dibada Dr. Sacad Cali Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa ka war bixiyey ujeedada ay u socdaan weftigan ka socda baarlamaanka dalka UK, waxaanu yidhi “Waxa maanta [shalay] sharaf inoo ah inaynu ku soo dhawayno dalkeena xubno ka socda baarlamaanka Ingiriiska kuwaas ah xubnaha firfircoon ee baarlamaanka inaga taageera, waxay u yimaadeen inay xogogaal noqdaan oo ay waraystaan dad badan oo reer Somaliland, mana aha markii ugu horaysay ee ay yimaadaan, muddo toban sano ka hor ah ayaa wefti sidan oo kale ahi yimaadaan, hadyo jeerna weftiyo ka socda baarlamaanadu way yimaadaan  oo imikaba qaar kale ayaa jooga, markaa aad ayaan u soo dhawaynaynaa.” Sidaas ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire. Geesta kale  Xildhibaan Stephen Moore oo u hadlay xildhibaanadan ka tirsan baarlamaanka UK ee soo gaadhay somaliland ayaa ka war bixiyey socdaalkooda waxaanu yidhi “Waxaanu ka tirsanahay dhammaan xisbiyada kala duwan ee Uk, runtii waanu  ku faraxsanahay inaanu nimaadno somaliland, waana markii ugu horaysay oo wefti ka wada tirsan xisbiyada kala duwan ee UK ay yimaadaan  somaliland, waxaanu kulamo kala duwan la qaadan doonaa dawlada, baarlamaanka, ururada bulshada iyo qaybaha kala duwan ee shacabka.”

Wakiilka somaliland ee dalka UK Ayaan Maxamuud Cashuur oo iyaduna la hadashay warbaahinta ayaa soo bandhigtay ujeedada ay u socdaan weftigan ka tirsan baarlamaanka dalka UK, waxaanu yidhi “Wax weyn ayey noo tahay inay yimaaadaan xildhibaano ka socda baarlamaanka UK, sanadkii 2007-dii ayaa noogu dambaysay inay yimaadaan xildhibaano ka socda baarlamaanka UK, tanina wax weyn ayey soo kordhinaysaa, ujeedada ugu weynina waa inay u kuur galaan xaalada somaliland sida ay tahay, qofkuna inuu qadiyadaada difaaco waxa muhiim u ah inuu xaaladaada arko oo uu la kulmo dawlada, mucaaridka, muxaafidka iyo  baarlamaanka, waxaanay joogi doonaan mudo sadex cisho ah kuwaas oo la hadli doona bulshada iyo dawlada somaliland. Wakiilka somaliland ee dalka UK Ayaan Cashuur waxay sheegtay inay suura gal tahay in xildhibaanadan ka tirsan baarlamaanka dalka UK  ay somaliland si weyn uga taageeri doonaan arimaha la xidhiidha dhinaca ictiraafka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here