Hargeysa, (Hubaal)-Iyadoo Madaxweyne Siilaanyo dhawaan saaray guddi soo diyaarisa wixii xukuumadu ay kaga jawaabi lahayd su’aalaha qaadhanbixiyayaasha, kuna qancin lahayd mucaaridka si loo beegsado doorasho isku aragti laga yahay, ayaa hadanna wax soo baxayaa warar sheegaya in xukuumadu ku jirto kaambayn ay ku oogayso madal wayn oo u jawaabta madashii codka midaysan ee mucaaridku kaga dhawaaqeen mawqifkooda ku waajahan haday doorasho dhici waydo.
Siday sheegeen warar uu wargeyska Ogaal ka soo xigtay ilo kala duwan, waxa guriga Madaxweyne ku xigeenka ka dhacay kulan la sheegay in ay ka qaybgaleen Madaxda xisbiga Kulmiye, xildhibaano iyo wasiiro, kaasoo la sheegay in lagaga arinsaday sidii xukuumadu u waajihi lahayd mucaaridka. Xoguhu waxay tibaaxeen in la filayo khamiista soo socota, in ay ka dhacdo Huteelka Maansoor xaflad balaadhan, oo la tilmaamay in loo qorsheeyay in ay ka qaybgalaan illaa kun iyo shan boqol oo qof oo taageerayaasha xukuumada iyo xisbiga ah oo ka imanaya degmooyinka caasimadda. Taasoo sida ay xoguhu tibaaxeen loogu talagalay in lagaga jawaabo dhawaaqi mucaaridka ee isla huteelkaa madashii lagaga dhawaaqay ka dhacday.
Sidoo kale, waxay xoguhu intaa ku dareen in la qorsheeyay halka inay ka hadlaan Gudoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax iyo hoggaanka xisbiga Kulmiye. Xogahaasi waxay intaa ku dareen in kharashka ku baxaya madashaa oo ilaha qaar ku qiyaaseen toddobaataneeyo kun oo dollar, loo diyaaryay.
Inkastoo xogahaasi ilo kala duwan ka soo baxeen, haddana ma jiraan warar madaxbannaan oo si toos ah uga soo baxay dhinacyadda ay khusayso oo xaqiijiyay arrimahaasi. Hase-yeeshee hadii ay run tahay siday xogahaasi sheegeen, wixii laga filayay inay xukuumadu ku qanciso qaadhanbixiyayaasha iyo mucaaridkaba, isla markaana ku xaliso waaqaca doorashadda iyo waxa socdaa waa laba kala fog oo is khilaafsan.
Dhanka kale, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dalka Kenya u diray wefti wasiiro ah, oo warar wargeyska Ogaal ka soo gaadhay dhinaca Nairobi ay sheegayaan, inay halka u tageen inay la kulan qaadhanbixiyayaasha Somaliland ka taageera dimuqraadiyadda, isla markaana la tacaalaan sidii ay u yarayn lahayeen saluuga qaadhanbixiyayaashu ka qabaan qaabka xukuumadu u waajahayso arrimaha doorashooyinka oo aanay la dhacsanayn.
xigasho:wargeyska ogaal