Xukumadda Oo Sii Wada Ugaadhsiga Dadka Kasoo Horjeesta Heshiiska Maalgelinta Dekedda Berbera + Magacyada Dhalinyaro Kasoo Horjeestay Oo Goordhawayd Xabsiga Loo Taxaabay

0
30

Hargeysa (Hubaal)-Xukumadda Somaliland ayaa markale xabsiga dhigtay dhalinyaro dhawaan shir jaraa’id oo ay kaga soo horjeedaan wareejinta dekeda berbera ku qabatay magaalada hargeysa.dp

Waxaana sida ay baahisay shabakada Ramaas oo aanu warkan kasoo xiganay ay ciidamada boolisku goordhawayd agagaarka hotel dalxiis ka qabteen dhalinyaro rabay inay mar kale shir jaraa’id ku qabtaan oo ay kaga soo horjeedaan wreejinta iyo heshiiska dekeda berbera ayna ku canbaareynayaan xadhiga ay xukumaddu xalay kula kacday laba kamida dhalinyaradaasi o xabsiga lo taxaabay.

Dhalinyaradan ay ciidamada boolisku xabsiga u taxaabeen ayaa kala ahaa Maxamed Sidiiq Dhamme oo ahaa afhayeenkii garabka dhalinyarada xisbiga WADANI Iyo Maxamuud Axmed (Fiigo ) oo isna kamid aha dhalinyaradaasi kasoo horjeestay wareejinta dekeda berbera.

Waxaana iyaduna xusid mudan in ciidamada boolisku ay xalay qabteen xabsigana u taxaabeen Nuuradin Ilkacase iyo Sheekh Maxamed Ducaale oo kamid dhalinyaradi si wayn uga soo horjeestay heshiiska dekeda berbera.

Waxana ay wararku intaa ku darayaan in ciidamadu ay wali ku daba jiraan dhalinyaradii sida wada jirka ah uga soo horjeestay wareejinta iyo heshiiskii ay wada galeen xukumadda iyo shirkada DP World ee wareejint dekeda berbera, iyada oo sida naloo sheegayna ay dhalinyaro badani ka baxsadeen goobtii lagu qabtay Maxamed Sidiiq Dhamme iyo Maxamuud Axmed Fiigo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here