Xoghayaha Waddani Miyuu Qalad Fahmay Shaqada Wasaaradda Arrimaha Gudaha. Qalinkii: Xuseen Warsame‏

0
41

Subax kasta yalaalugo iyo murugo ayaad ku soo toosaysaa markaad habeenkii oodhan daawato dad siyaasada iyo saaxada hogaaminta ku cusub oo ka fiirsasho la’aan ku maagayaa qof muxtarim ah, kuwaas oo aflagaado iyo been abuur ka sheegayaa cid kasta oo ay dhaliilayaan, wanaagoodana aasaya.

Nin siyaasi xisbi sheeganayaa oo inta uu goob fagaare ah soo istaago sheegaya war aan sal iyo raadtoona lahayn sheegaya miyaanu ogayn in dadku dalka la joogaan, wax kasta oo dhacayana ay ka war hayaan, meel kastoo Somaliland maraysana la wada ogyahay.

Maanta waxaan la yaabsanahay ninka xoghayaha arrimaha guddah Waddani ah ee Mustafe Qodox oo si milgaha ka baxsan uga been abuuray wasiirka arrimaha guddaha iyo wasiirka madaxtooyada Somaliland, kuna tilmaamay kuwo dalka u horseeday inaanay doorashadu wakhtigeedii ku dhicin.

Wasiirka madaxtooyada iyo wasiirka arrimaha gudduhu xagee ayey ku go’aamiyaan in dalka doorashooyinkiisa dib loo riixo ama mudo kordhin la sameeyo, Ina Qodox oo aynu wada ognahay halka uu siyaasadda ka soo galay maanta isku wada booska uu ku jiro wasiir Waran-cade laba is qaban kara maaha, waana calaamadaha lagu garto yoomal qiyaamaha in qof kasta uu sheegto waxaanu ahayn.

Maahmaaha soomeeliyeed ayaa tidhaahda “Soomaalidu ninka ay adhiga kala quusato ayey Geela u dirtaa” ina qodox dhalinyaradii ciyaaraha ee gobolka Maroodi-jeex oo kaliya ayuu ka soo bixi waayey ee ma amni umadeed ayuu qaban karaa? Ilaahay halaga baqo oo dadka qaar yaan safka hore la soo marin.

Waxaan hadal kaygu ku soo koobi lahaa madaxweyne adiga iyo xukuumadaadu iskaga dul qaata caruurta yar yar ee raadbaradka ah, markay soo kac iyo kuf dhamaystaan iyaga ayaa saaxiga keeni doona

Xuseen Warsame

warsameh73@gmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here