Xisbul-xaakimka KULMIYE Oo Beeniyay War Wargeyska FOORE Uu Cadadkiisii Maanta Ku Daabacay

0
46

warsaxaafadeed kooban oo nuqul ka mid ahi na soo gaadhay ayaa u dhignaa sida tan:

REF: XK/XGX/0042098/2015   Date:21/03/2015 

Ujeedo: Saxaafada

kulmiye11War gayska Foore oo ka soo baxa magaalada Hargeisa ayaa wuxuu cadadkiisii maanta bogga hore ku daabacay war  aan sal iyo raad toona lahayn oo waxba ka jirin, waxaanan cid kasta u cadaynaynaa in warkaasi yahay been cad oo foore u badheedhay oo aanu geedna ugu soo gaban.

 

Waxaanu bulshada u sheegaynaa in madaxwaynaha iyo Gudoomiyaha Xisbiga  kulmiye ay ka midaysanyihiin siyaasada Dawlada iyo xisbiga ee xiligan iyo ta mustaqbalkaba.

 

Saxaafadu qaranka waxay u haysaa masuuliyad wayn , hadii masuuliyadaasi u gacan gasho cidan ehel u ahayn waxay dalka ka abuuri kartaa khal-khal wareed.

Gabagabadii waxaanu bogaadinaynaa saxaafada inteeda badan ee dhawrtay Anshaxa iyo xeerka saxaafada waxaananu u digaynaa inta been abuurka iyo khalkhal galinta bulshada caadaysatay

 

 

 

 

ALLA MAHAD LEH

 

Mustafe Iid Maxamed

Agaasimaha Xafiiska Xarunta dhexe iyo Xadhiidhka saxaafada

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here