Hargeysa(Hubaal)-Hogaanka sare ee Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa maanta kulan la qaatay Guddida golaha guurtidu u magacaabay ka soo talo bixinta muddo kordhin loo sameeyo Xukumadda Siilaanyo. kulanka oo muddo saacad ka socday hoolka shirarka ee golaha guurtida ayaa labada dhinac iskula falanqeeyeen arrimaha doorashada ee wakhtiga ay dhici doonto.
Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani oo kulankaasi kaga qayb galay 30 Xubnood oo iskugu jira hogaanka ugu sareeya, Guddida fulinta iyo madaxyada qaybaha kala duwan sida garabka dhalinyarada iyo haweenka ayaa Guurtida u bandhigay sida ay ugu adag yihiin wakhtiga Komishanka doorashadu soo jeediyay ee ah in 1-da June 2016-ka la qabto doorashada.
Xoghayaha Warfaafinta Waddani, Boobe Yuusuf Ducaale, ayaa kulanka kadib saxaafadda u sheegay in heshiis lagu yahay wakhtiga doorashada ay u cayimeen Komishanku balse dad doorasho diid ahi muran iyo khilaaf ka abuurayaan.
“Waxaanu bixinay dardaaran kayagii iyo waxay nala tahay oo ah inaanu khilaaf taagnayn ee maalintaas la cayimay ee Komishanku cayimay ee ay xaq, xeer iyo xaagaan ba u leeyihiin la sharciyeeyo oo aan daqiiqad, Saacad iyo maalintoona lagu darin. Dardaaranka aanu dhiibanay waa kaas, anagoo qirayna kaalinta mugga leh ee Dib u heshiisiin leh ee dimuqraadiyadayn leh ee nabadgalyo leh ee golaha guurtidu kaga jiro dalka aanu ka sugayno inaan maantana gacantooda ku burburin Somaliland”