Xisbiga WADDANI Oo Ka Jawaabay Eedo Xukumadda Uga Yimid + Soo Dhawaynta Masuuliyiin Maraykanka Ka Yimid

0
56

Hargeysa(Hubaal) – Afhayeenka xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa, ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbiga WADDANI ee Hargeysa wuxuu kaga jawaabay eedo uu sheegay in xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye u jeedinayeen Waddani muddooyinkii u dambeeyay, kuwaasi oo uu ku tilmaamay dacaayado aan jirin.

Waxa uu sheegay inaanu jirin khilaaf u dhexeeya guddoomiye Cirro iyo isaga,, sidoo kalena aanu jirin khilaaf u dhexeeya afhayeenka xisbiga iyo xoghayaha warfaafinta, kuwaasi oo uu sheegay in saxaafad xukumadda taabacsani tabisay khilaafyadaasi.

Afhayeenka Waddani wuxuu sidoo kale sheegay  inaanay jirin cabsi ku gedaaman shirka golaha dhexe ee xisbiga Waddani qabsan doono sanadka soo socda. Waxa uu sheegay inaan laga cabsi qabin in Waddani noqdo sidii xisbigii Kulmiye isu khilaafay xilligiisii shirka golaha dhexe.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here