Hargeysa(Hubaa) -Xisbiga Mucaaradka ah ee Ucid,ayaa sheegay inaanay jirin doorasho dalka ka dhacaysa 26-ka June 2015-ka.Xisbigu wuxuu dib u dhaca doorashada ku eedeeyay Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Xukumadda iyo Xisbigeeda Kulmiye.
Shir Jaraa’id oo Xarunta Xisbiga ee Hargeysa ay ku qabteen Musharaxa Madaxweyne xigeenka Cabdirashiid Xasan Mataan,Gudoomiye xigeenka Saddexaad Mujaahid Cali Guray, Xoghahaya Warfaafinta Yuusuf Kayse Cabdillaahi iyo Xubno kale oo sare ayaa lagu sheegay inaanay suuro gal ahayn doorashada dalka ka dhacaysa wakhtiga loo asteeyay ee ahaa 26-june-2015-ka. Waxa uu Xisbiga Ucid Sheegay in Maalmaha soo socda ay ku dhawaaqi doonaan Mawqifkooda dib u dhaca doorashada
HALKAN KA DAAWO SHIR JARAA’ID OO MAANTA XISBIGA UCID KAGA HADLAY ARRIMAHAN