Hargaysa(Hubaal).xisbiga ucid ayaa maanta xaflada soo dhaweyna u sameeyay kumanaan taageerayaal oo ka soo jeeda Gobalada Gabilay iyo Salal iyo musharaxiintoodii ugu tartamilahaa doorashada golaha wakiilada Somaliland.
Munaasibad balaadhan oo maanta lagu qabtay Hotelka Dalxiis ee magaalada hargaysa, laguna shaacinaayay xildhibaanada Golaha wakiilada uga sharaxan labada Gobal ee Gabilay iyo Salal iyo taageerayaashoodi oo maanta si buuxda uga mid noqday xisbiga ucid ayaa waxa ka soo qayb galay Hogaanka sare ee xisbiga ucid oo ay hogaaminayaan Gudoomiyaha xisbigaasi Eng. Faysal Cali Waraabe iyo ku xigeenka musharaxa madaxweyne, xisbiga Ucid Dr. C/rashiid Xasan mataan iyo xogahayeyaasha kala duwan ee xisbigaasi Ucid iyo malaayiin taageerayaal kuwaas oo soo dhaweynaayay taageerayaasha Cusub ee Gobalada Salal iyo Gabilay ee ku soo biiray xisbiga Ucid.
waxaan ugu horeyn ka hadlay xaflada Xogahayaha arimaha gudaha ee xisbiga ucid Kabtan Cabdi qani oo soo dhaweeyay taageerayaashan ku soo biiray xisbiga ucid ,Gudoomiyaaasha Wadamada North Amrica iyo Landan oo iyaguna ka hadlay munaasibada ayaa sheegay in shacabka reer Somaliland,eek u dhaqan Qubahu ay si buuxda u taageersanyahiin xisbiga ucid oo ay ku tilmaameen inuu yahay kan kaliya ee isbadal dhaba ka samayn kara dalka Somaliland.
Xil:Qabile ayaa isna dhankiisa soo dhaweeyay taageerayaasha Cusub eek u soo biiray xisbiga Ucid isaga oo si gaar u soo dhaweeyay, taageerayaasha gobalka Salal oo uu ku tilmaamay inay yahiin meeshii uu ka soo bilaamay xadaaradii soomaalidu.
musharaxiinta Gobalada Gabilay iyo Salal ayaa iyaguna si buuxda u shaaciyay inay maanta laga bilaabo ay ka mid yahiin xisbiga ucid iyaga oo taageerayaashooda ugu baaqay inay Codkooda siiyaan xisbiga Ucid, marwo. xaliimo Gudoomiyaha Garabka haweenka ee xisbiga ucid ayaa iyana dhankeeda waxay soo dhaweesay taageerayaashan cusub eek u soo biiray iyada oo dhanka kalana beenisay in ay garabkii haweenku raaceen marwo, faadumo siciid iyada oo ku tilmaamatay inay kaligeed ka baxday xisbiga ucid. Dr.C/rashiid Xasan mataan musharaxa madaxweyne ku xigeen ee xisbiga ucid ayaan isna dhankiisa soo dhaweeyay isaga oo sheegay in aanu xisbiga ucid mar aanu aqbalidoonin in maalin lagu daro xiliga doorashada waxaanu sheegay in hadii ay maalin lagu daro ay ku dhawaaqidoonaan, dawlada ku meel gaadha.
Gudoomiyaha xisbiga ucid eng:Faysal Cali waraabe ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka Somaliland, maraay isaga oo sheegay in xukuumadu ay hada wado khal khal ay ku doonayso inay dalka ka samayso rabashado ay sabab uga dhigto in doorashadu dib uga dhacdo.
sikastaba ahaatee xafladan xisbiga ucid maanta u qabtay ayaa muujinaysay in xisbiga ucid uu ku guulaystay gobalada galbeed khaastan gobalada gabilay iyo salal oo ah meelaha ay xukuumadu codka ka raadinayso.