Hargeysa (Hubaal)-Maayarkii hore ee Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Xasan, ayaa markii ugu horraysya ka Dareen celiyey Xilka wasiirnimo ee dhawaan madaxweyne Siilaanyo qoorta u sudhay.
Mudane Shucayb oo saxaafaddu maanta la kulantay, ayaa sheegay inuu si weyn usoo dhaweynayo xilka loo igmaday, kana Go’an tahay inuu madaxweynaha la shaqeeyaa, “Xilkaas Madaxweynaha Somaliland Ii magacaaba diyaar baan u ahay waanan soo dhaweynayaa,meel kasta oo la ii magacaabo waxaan diyaar u ahay inaan qabto maadaama oo loo shaqaynayo qaranka Somaliland.xilkaas Madaxweynuhu igu sharfay waan qabanayaa, maanta wasiir baan ahay shalayna Maayar baan ahaa” ayuu yidhi Maayar shucayb.
Maayar Mudane Shucayb ayaa la waydiiyay sida uu u arko xilka loo magacaabay Xilli xukumaddu sii socoto maadaama Xukumaddii Rayaalena wakhtiyadii u dambeeyay wasiir loo magacaabay, wuxuuna sheegay inaanay u muuqan Xukumad wakhtigeedu sii dhamaanayo, isagoo ku dooday in Madaxweyne Siilaanyo ku guulaysanayo teeramka dambe.
Maayarka oo aan wali xilka Iska casilin, ayaa muddo saddex sano ah soo hoggaaminayey Golaha Deegaanka Gabiley, waxana marar badan Xubnaha Golaha deegaanku isku dayayeeen inay meesha ka saaraan, balse Wasaaradda Daakhiliga ayaa hortaagnayd.