Xildhibaan Sheegay Inaan Golaha Deegaanka Hargeysa Xaq Loogu Lahayn Inay Dhisaan Waddooyinka Burbursan Ee Caasimadda

0
27

“Iyadoo Dawladdii Dhexe Qaadaysa Lacagtii Cashuurta Baabuurta Sidee Baa Annaga Naloo Weydiinayaa Inaanu Waddo Laami Ah Usamayno Gawaadhida Maadaama Oo Aanaan Lacag Ka Qaadanin In Waddo Nala Weydiiyo Ma Aha.”Xil. Maxamed Cabdi Yoon

xildhibaan maxamed cabdi yoonHargeysa (Hubaal) – Xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon oo katirsan xubnaha golaha deegaanka Hargeysa, ayaa sheegay inaan xaq loogu lahayn inay waddooyinka laamiga ah ee caasimadda dhisaan, maadaama oo aanay khasnadda Dawladda Hoose ku dhicin lacagta cashuurta ah ee laga qaado gaadiidku(road tax). Xildhibaan Yoon oo isagoo dalka Ingiriiska ku sugan u warramay Telefishanka Qaranka Somaliland, ayaa su’aal geliyey in dhismayaasha waddooyinka caasimadda oo haatan qabyo badani ku jirto Dawladda Hoose la weydiiyo, “anigu caqliyan waxan filayaa in halkaas la isla eego, waayo iyadoo dawladdii dhexe qaadaysa lacagtii cashuurta baabuurta sidee baa annaga naloo weydiinayaa inaanu waddo laami ah usamayno gawaadhida maadaama oo aanaan lacag ka qaadanin in waddo nala weydiiyo ma aha.” Ayuu yidhi xildhibaan Maxamed Cabdi Yoon. Mudane Yoon, waxa kale oo uu si cad u sheegay in cashuurta ay bulshada ka qaadaan aad u hoosayso, sidaas darteed aan xaq loogu lahayn inay bulshada dib wax ugu celiyaan, waxana uu yidhi,“weli lama gaadhin xilligii cashuurta aanu qaadno dadka dib loogu celin lahaa, waayo guriga dhan ee shanta qol ah waxa aanu ka qaadnaa  dhawr iyo toddobaatan kun oo shiling Somaliland ah oo u dhiganta $8-dollar, dadkeenuna cashuurta waxa ay u haystaan Baad.”  Maxamed Cabdi, ayaa ugu dambayntii sheegay inaanay Dawladda Hoose ee Hargeysa awoodin inay dariiqyada caasimadda dhexmara u samayso goobo biyuhu maraan, waxase uu carrabka ku dhuftay  inay waddada madaarka Cigaal ka ilaa iyo Saldhigga dhexe ee Hargeysa isku xidha ay bilaabi doonaan dhammaadka sanadkan, isla-markaana ay u samayn doonaan goobo biyuhu maraan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here