Madaxda Booliska Haysataa Saluugeed ayey leedahay, qof aan ku haboonayn baa Xil loo dhibbayaa, taasi waata dhalisay in waxba laga qabban waayo Dhalinyaradan Rabashada Wadda
Shaqadii aanu Anagu lahayn Dawlada la wareegtay, Afar wasiir oo aan Dhaqankii garanayn ayaa loo Diray, Suldaanka Cabanaya ee Buuraha Gallay waajib ayey nagu tahay in aanu Soo celino
Hargaysa(Hubaal) Guddoomiyaha Gudida Arrimaha Gudaha iyo Nabad-gelyada ee Golaha Guurtida Somaliland Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye Ayaa sheegay in ay Xukuumadu Ka fara Maroojisay, Kaalintii ay Golaha Guurtidu ku lahayeen Arimaha Nabada, isla Markaana Xukuumadu ay u dirtay Wasiiro dhaqanka waxba ka garanayn Suldaan wabar, isaga oo soo jeediyay in Golaha Guurtida Arinka Suldaan wabar loo daayo, Madama Shaqadooda ay tahay.
Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye wuxu sheegay in Xukuumadii ay isku koobeen beelihii dhexda isaga oo cadeeyay in Beelihii darafyada ay Tabayaan Xaqii ay ku Lahayeen Dawlada.
Dhinaca kale Mudo Kordhin La sheegayay in ay Golaha Guurtidu Xukuumada u wadaana waxa uu ku sifeeyay Mid Aanay waxba ka Jirin.
Ugu Horayna waxa uu ka hadlayaa arinta Suldaan wabar iyo sida ay xukuumadu uga Hawl Gashay.
Xildhibaan Maxamed Muuse Obsiiye oo ka Hadlaya Arrimahaasi waxa uu yidhi. “Marka Hore ka Guurti ahaan inaanu ka hawl Galno soo celinta Suldaanka Cabanaya ee Buuraha Gallay waajib ayey nagu tahay, Dawladuna Runtii way isku xidhan tahay, Shaqadii aanu Anagu Lahayn Waa Nalaga Qabsaday, Mudo Dheerna waxaan Ahaa Guddoomiyihii Nabad Galiyada ee Golaha Guurtida, ilaa maalintii Ladoortay Madaxwaynahii ina Cigaal Nabad Galiyada Ayaan ku shuqul Lahaa, Xukuumadii Maanta iyada ayaa wiixi isku koobtay Halkii Aan Anagu ka tagi lahayn Afar wasiir ayaa Ka tagay Afartii wasiirna Dhaqankii Garan Mayaan”.Ayuu yidhi.
Xildhibaanku wax auu intaasi ku daray .”Hadii uu suldaan Duur galo iyo hadii Banaan joogaba anaga ayaa isku dhaqan ah oo garanayna Xeerkii dhaqan iyo salaadiinta,xeerbaa naga dhaxeeya Dastuurkuna waxa uu odhanayaa Dawladu marka ay Arimaha Nabad Galiyada Qabanayso waa in ay Guurtida latashataa, Xukuumadu hadii ay wixiiba isku koobtay oo ay tidhi anaga aya ku filan anaguna waanu ka fadhiisanay”Ayuu yidhi
Sidoo kale waxa uu sheegay in kaalintii ay ku lahayeen Guurtidu arimaha Nabadaynta in ay Xukuumadu isku koobtay, waxaana uu iftiimiyay in ka gaabiyeen isaga oo bayaamiyay inuu dalka iyaga ka dumayo ee aanu wasiir ku shaqo lahayn. “Boorama waa Hooyadii Somaliland waana Halkii ay Nabad Galiyada Koobaad ka soo bilaab Matay, waxaanan leenahay Reer awdal waxbay Tabayaan ee wixii hala siiyo taasi war-wareeg maleh, Hal wasiir iyo laba agaasime dalka way ka go’i karaan waa in lasiiyaa, Shirkoodii ayay ku jirtay Anagu Nabad galiyada waanu ilaalinaynaa ee cabashadayada hala Fuliyo”Ayuu yidhi.
Dhinaca kale waxa uu soo jeediyay in dhalinyarada rabshad wadayaasha ah wax laga qabto isaga oo ku sifeeyay qaar gaadhay heer budhcad-nimo. Waxanu yidhi. “Magaaladii Hargeysa Waxa Khaati laga taagan yahay Dhalinyaro Kooxo ah oo Dhibaato ku haya Shacabka Habeenkii waxad ogtihiin in habeen walba dad ay dillayaan taasi Nabadii aynu haysanay dhib ayey ku tahay, Waxa Dhaliisha Kowaad sarayaa Ciidanka Booliska oo Hawshoodii ka gaabiyey waliba Madaxda Maanta Booliska Haysataa Saluugeed ayey leedahay, in wakhti walba Xilalkii reero ka dhigno inaga oo dawlad ah ma ah oo qof aan ku bahoonayn Xilkii la keeno oo aynu nidhaahno kaasi waa reer hebel oo la taabban mayo marka Qoladaasi Dib haloogu noqdo oo dad Aqoon leh ha la keeno, dee haaddii kale dhalinyarada rabshada habeenkii sameynaya ee aan waxba laga qabanay hadii ay sii socdaan Dhib ayey inagu keenayaan”Ayuu yidhi.
Waxa uu ka hadlay mudo kordhin lasheegay in ay golaha Guurtidu xukuumada u samaynayaa tas oo sheegay marka la arko xaalada uu dalka ku jiro inaanay doorasho qabsoomay in ay sameeyaan mudo kordhina waxaana uu yidhi.“Waxaan leeyahay Mudo kordhinta adeer iskama timaado duruuf ayaa keena, oo Komishanka ayaa Soo gudbiya wakhtiga Doorasho ku qabban karaan, Madaxweynahana way soo Martaa, Markaas markaanu eegno xaalada dalka, waxaana uu samaynaa muddo kordhin lakiin Mudo kordhintaasi kama Badato lix bilood Am sanad, waraaq cad oo nalo keeno oo layidhaa iska saxeexa anagu ma aqbalno” Ayuu yidhi Xildhibaanku.