XIKMADA MAANTA: Dib U Dhacu Wuxu Yimaad, Marka Waajib Ummadi Leedahay Qof Keli Ah Laga Sugo.

0
211

XIKMADA MAANTA: Dib U Dhacu Wuxu Yimaad, Marka Waajib Ummadi Leedahay Qof Keli Ah Laga Sugo.

11063252_915505298470673_1134362800_nUmmad waxa dib u dhaca ku keena waxa ka mid ah, marka ay ka mooganaadaan ama ay hilmaamaan waajibka ka saaran dadkooga,dalkooda iyo Diintooda ee ay ku xidhaan ama ay ka sugaan shakhsi kaliya ama marba qofka xilka u haya.

Bulshadu in kasta oo ay ka koobantahay waxa saaran waajibaad badan oo hadii si wada jir ah loo qabto keenaya horumar iyo talaabooyin wanaagsan.

Ogow wax kasta oo dalkaaga ka dhacaya in waajib kaa saaranyahay, maaha inaad farta ku fiiqdo shakhsi kaliya ama aad sugto qof kaliya.

Horumarka,waxqabadka,ilbaxnimada,xadaarada iyo wanaaga oo dhami wuxu ku xidhanyahay hadba sida bulshadu dhaqdhaqaaqeegu yahay.

Waxaan bulshada ku boorinayaa himiladiina iyo hiigsigiina waad ka midho dhalin kartaan marka aad ogaataan waajibaadka idin saaran ee aydaan sugin qof kaliya ALLENA talo saarataan, ha sugina shakhsi hana garan waayina waajibaadka idin saaran.

Maaha inaad wakhti aad wax ku qabsan lahaydeen ku lumisaan eedeynta madaxdaada.

Alle Kheyrka Ha Ina Waafajiyo

Waa qalinkii: Akram rashiid

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here