9.Aug.2015-kii ayaa ay ciidamada Booliska ee magaalada Hargeysi weerar ku soo qaadeen guri ay ku noolaayeen maati iyo maxas aad u jilicsani, isla markaasna uu deggan yahay mid ka mid ah raggii dagaalka kala hor-yimid kaligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre, waa Axmed Jabaan ninka aan u jeedaaye.Ciidamada Booliska oo aad mooddo in ay cadow la dagaallamayaan, ayaa waxa ay muddo gaaban ka-dib halkaas ku daadiyeen dhiig tiro badan, iyaga oo rasaas aan loo aabbo-yeelin oo aan loo kala saarin carruur iyo dad waaweyn, oodda kaga qaaday qoyskii maatida ahaa ee halkaas ku noolaa. Waxa halkaas ku naf waayey wiil da’ yar oo la sheegay in uu jiray 11 sannadood oo kaliya, waxa kale oo isla goobtaas lagu dhaawacay afar qof oo kale. Runtii waxa ay ahayd maalin murugo badan, oo ay rag dhagar-qabayaal ahi xasuuq u geysteen qoys aan waxba galabsan. Runtiina waxa uu ahaa fal laga argagaxay oo naxariis darro ah, isla markaana qaab banii-aadannimada ka baxsan loo fuliyey. Kadib dhacdadani, dowladdu waxa ay qiil uga dhigtay falkaas argagixisada ahaa, in ay ciidamadu is difaacayeen, laakiin bal adiguba qiyaasoo, ma dhagax uu qof tuuray iyo rasaas qori ka dhacaysa ayaa isku dhigmi karaya, miyaynu qaadan karaynaa in shiidka la iskaga difaaco rasaas nool oo weliba si toos ah loogu bar-tilmaameedsado dadka rayidka ah, arrintaas dameerka ayaan rumaysan karayn, iskaba dhaaf dadkana. Fari kama qodna’e, shan maalmood kadib oo ku beegnayd 14.Aug.2015-kii, ayaa waxa uu askari ka tirsan ciidamada Booliska ee sal-dhigga “Ibraahim Koodbuur” rasaas sida dhibcaha roobka u baratamaysa ku weeraray maxbuus da’ yar oo saldhiggaas ku xidhnaa, laguna magacaabi jiray Axmed Dayib Cabdi Korse, halkaas oo maxbuuskii dhaawac ahaan loo dhigay Cisbitaalka weyn ee magaalada Hargeysa. Maalin kadib, oo ku beegnayd 15.Aug.2015-kii, ayaa uu Alle ha u naxariistee Axmed Dayib u geeriyooday dhaawacii axmaqnimada ahaa ee uu askarigaasi u geystay. Murugada dhacdooyinkani, waa kuwo maanta ka dhex jira bulshada, waxa aanan jeclaaday in loo bixiyo dhacdooyinkan “Xasuuqii Carruurta ee Hargeysa”, lagana dhigo dhacdo lagu xasuusto dowlad ku sheegta Siilaanyo, wasiirka arrimaha gudaha ee Waran-cade iyo weliba hogaaminta Taliyaha fashilmay ee Cabdillaahi Fadal Iimaan.
Waxa aynu ogsoonnahay heerka uu gaadhay dilku intii ay dowladda Siilaanyo kursiga ku fadhiday, waxa kale oo bilaabmay dil cusub oo ka dhex jira gudaha ciidamada millatariga ee Somliland, waxa dhacay dilal kala duwan oo siyaabo kala duwan ay dowladdu ugu geysatay dad rayid ah, illaa iyo maantana, inta qof ee gacanta dowladda ku baxay marka la qiyaaso, dowladani waxa ay noqonaysaa tii ugu dilka badnayd ee dalka soo marta.
Aqoon la’aanta ciidamada Somaliland oo ay u raacaday tobabar la’aan baaxad lihi, waxa ay keentay in ay ciidamadu ka qaawanaadaan sharciga diinta iyo sharciga dalkaba. Qofkii dila qof kale, Somaliland gudaheega looma dilo ee jeelka ayaa lagu naaxiyaa, taasina waa sababta loogu dhiirraday dilka iyo dhiigga shacabka. Ugu dambayna xisaabtan la’aanta ka jirta dalka gudihiisu, waxa ay horseedday in uu qof weliba sida uu doono u dhaqmo, isaga oo aan ka cabsi qabin in wax su’aal ah laga weydiiyo dambiyada uu geystay. Xilli ay ahaataba, marnaba la iskaga hadhi maayo dambiyada qaranka laga galay, kuwa u haysta in ay maanta ku dhammaadeenna, naftooda ayey been u sheegeen, qofkii ay nololi ku sintaana, waa uu la kulmi doonaa iyada oo lala xisaabtamayo kuwa gelay dambiyada baaxadda leh.
Hadal iyo dhammaan, dalku waxa uu god weyn ku dhacay maalintii uu kursiga hogaaminta dalka ku fadhiistay Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), kaasi oo noqday madaxweynihii ugu khasaaraha badnaa ee dalka soo mara, madaxweynihii ugu dilka badnaa ee qaranka hogaamiye u noqda iyo weliba madaxweynihii ugu khaayinsanaa ee dalkan majaraha u qabta. Gebo-gebadiina, waa in qof kasta oo qof dilay, isla markaana ah dil-sugayaasha, waa in si deg-deg ah loo toogtaa, hadii kale, dowladnimada geeriyoonaysa, waa in la gunaanadaa!
Qalinkii: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori).