Xasan Sh. Maxamuud Oo Caydhiyey Taliyihiisii Sirdoonka, Magacaabis Aan Rasmi Ahayna U Cumaammaday Gen. Cabdillaahi Gaafow

0
41

Taliyihii Hore Ee Nabad-sugida NISA waxaa loo Magacaabay La Taliyaha Wasiirka Amniga

Muqdisho  (Hubaal)-  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh. Maxamuud, ayaa shalay  xil ka qaadis ku sameeyey taliyihii hay’adda Nabad-sugidda iyo sirdoonka Qaranka (National Intelligency and security Agency, oo loo soo gaabiyo NISA), Jen. C/raxmaan Maxamed Tuur-yare. gaafow iyo tuur-yareXasan Sheekh, ayaa xilka qaadista taliyaha u cuskadey qodobbada 87-aad iyo 90-aad ee dastuurka KMG-ka ah ee Soomaaliya, iyo isagoo tixgelinaya baahi la xidhiidhey in is-beddellada lagu sameeyo Hoggaanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugida Qaranka. Sidoo kale, Isla xeerkan ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, ayaa waxaa si KMG ah xilka Taliyaha Hay’ada Nabad-sugidda qaranka (NISA), loogu Magacaabay Jen. C/llaahi Gaafoow Maxamuud oo ahaa taliyihii hore ee laanta socdaalka Soomaaliya, wallow aan digreetada lagu sheegin in uu Gen. Gaafow labada xil isku haynayo iyo in  cid kale loo soo magacaabay. Dhanka kale, Taliyihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka DF, Jen C/raxmaan Tuur-yare, ayaa waxaa loo magacaabay la-taliyaha Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya. Ugu dambeyn, Xeerkan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha ayaa dhaqan-galay shalay  oo taariikhdu ahayd  14-ka bisha Juun ee Sannadkan 2016-ka.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here