Xarunta Xuquuqal Insaanka Oo Dawladda Itoobiya Ugu Baaqday Inay Sii Dayso Suxufi Reer Somaliland Ah Oo Jig-jiga Ku Xidhan

0
37

War-saxaafadeed

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Ethiopia inay sii dayso suxufi reer Somaliland ah oo Jigjiga ku xidhan

 HRC

Yuusuf Maxamed Xasan oo ah tafa-tiraha guud ee bogga interneetka ee Somaliland Sun waxa la waayay 24kii December 2014 isaga oo jooga magaaladda Jigjiga ee Ethiopia. Markii danbe waxa la ogaaday inuu ku xidhan yahay Jigjiga, sida uu noo sheegay suxufi ka tirsan Somaliland Sun.

 Yusuf wuxuu booqasho gaar ah ku tegay Ethiopia. Waxa lagu xidhay Jigjiga, caasimadda maamulka degaanka Soomaalida Ethiopia, isaga oo ku soo socda Somaliland.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Federaalka ah ee Ethipia inay sii dayso Yusuf Maxamed Xasan.

 Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay u qortay codsi qunsuliyadda Ethiopia ku leedahay Somaliland. Balse wax jawaab ah kama helin.

 Xoriyadda warbaahinta iyo cabiridda fekerka waxa damaanad qaaday Baaqa Caalamiga ah ee Xuquuqal Insaanka iyo Heshiiska Caalamiga ah ee Xuquuqaha Madaniga ah iyo kuwa Siyaasiga ah. Sidoo kale waxaa damaanad qaaday dastuurka Ethiopia. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay carrabka ku adkaynaysaa in dawladda Ethiopia ay sii dayso Yusuf.

Guleid Ahmed Jama

Chairperson

Human Rights Center

Hargeisa Somaliland

www.hrcsomaliland.org  Email: dafac02@hotmail.com  Phone: +252 (0) 63 4468227

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here