Xukuumadda oo loogu baaqay inay gargaar degdeg ah la gaadho deegaannadaasi
Fuguxo (Hubaal)- Boqolaal neef oo u badan Adhi, ayaa ku leeday xannuun aan la aqoonsan deegaannada Xeebta dhereran inta u dhaxaysa degmooyinka Bullaxaar iyo Lughaya oo ka kala tirsan Gobollada Saaxil iyo Awdal ee Somaliland.
Xannuunkan oo ay dadka xoolo-dhaqatu ku tilmaameen mid leh xummad markiiba neefka xoolaha ahi isku kogayo, ayaa la sheegay in ilaa toddobaadkii u dambeeyey ay u dhinteen adhi aan tiradiisa rasmiga ah la sugin, balse lagu tilmaamay daraasiin deegaannada kala ah; Biyo-cas, Shacable, Fuguxo iyo Sabawanaag ee xeebta.
Macallin magaciisa la yidhaa Maxamuud Maxamed Daahir oo ku sugan Deegaanka Biyo-cas oo khadka telefoonka ugu warramay shabakadda Hadhwanaagnews oo warkan baahisay, ayaa sheegay in masiibo culus oo gurmad degdeg ah u baahani ku habsatay xoolaha ku nool deegaannadaasi xeebta oo si joogto ah ay ugu dhimanayaan xannuun noociisu ku cusub yahay dadka xoolo-dhaqatada ah.
“Waa masiibo culus oo adhigii ku timi, tusaale ahaan ninka tiro adhi ah leh waagii beryaba afartan neef ayaa ka dhimanaysa, waanay socotaa arrintani, iyadoo deegaannada Biyo-cas, Fuguxo, Shacaabley iyo Sabawanaag ee xeebta Waqooyi, masiibadan ku dhacday xoolo-dhaqatadu garanmaayaan xannuunkan xooluhu u dhimanayaan, gaar ahaan Adhiga, laakiin xannuunkani waa xummad isku soo kojineysa oo afarta adin (lugaha) isku imanayaan, kadibna marka uu taagnaado maalin ama laba ayuu neefku dhimanayaa, iyadoo xaarna uu jiro, mana aha mid hore ugu dhici jiray xoolaha.
Markaa masiibadani waa mid cusub oo gurmad degdeg ah u baahan, waxa jira qoysas ay xoolo badani ka baxeen,” ayuu yidhi Macallin Maxamuud Maxamed Daahir.
Waxa kaloo uu xusay in dadka deegaannadaasi baaq dheer oo gurmad ah u dirayaan xukuumadda iyo bulshada Somaliland oo dawooyin iyo raashinba lala gaadho, maadaama ka sakow dhimashada xoolaha ay jirto abaar ba’an oo u dheer dhibta ku dhacday.
Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Somaliland ayaanay noo suurtagalin in aannu helno masuuliyiinteeda si wax looga waydiiyo arrintan iyo inay ilaa hadda wax gurmad ah ka gaysteen.
source:jamhuuriya