Qalinkii: Keyse Koosaar Cilmi
Gudomiyaha Xisbiga Wadani Ahna Gudomiyaha Baarlamaanka JSL. Mudane: Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro & Reerka Uu ka Soo Jeedo ee Aanu Nahay Tolka Ee Siciid Ismail (Habar-yoonis) Waligeed Daa’uud Ismail (Ciidagale) Ayaa U Dhaaminayay Oo Xoolaha U Raacayay Sacabkana U Tumayay Saxaafaddna U Ahaa Abwaan Xasan Tarabi Alle Ha U Naxariistee Waxa Laga Hayaa :- Udubkaa Cidhiidhiga U Dagay Ma Cid Kalaad Mooday Saw Cududda Habar-yoonis & Ciidagale Maaha. Ku Darsoo Labada Nin ee Walaalaha Ah Keebaa La Horeysiiyaa Marka La Sheegayo Dhaqan Ahaan. Hadaan Anigu Iskaga Jawaabo Waxa La Horeysiiyaa Hadba Ninka Weyn. Hadaba Anaku Waxaanu Horeysiinaa Ka Yar Oo Markaanu Garxajis Sheegayo Waxaanu Nidhaahnaa Siciid & Daa’uud Halkay Ka Ahayd In La Yidhaahdo Daa’uud & Siciid. Hadaba Midna Waa Iga Xasuusin Oo Waa Tii aanu Laba Goor Sharaxnay Faysal Cali Waraabe Hamiga Cidda Na Galisay Waa La Garan Karaa oo Waxa Na Himmi Galiyay Wuxu Ahaa Faraha Walaalkayo Oo Waxaanu Is Lahayn Galin Horeba Waad Soo Boodaysaan. Laakin Tii Waatii Beenawday Ee Gorayo Haad Noqotay Halkii Ay Na Dhigeenna Waatii Soomaali Alle Ogayd. Abwaan Bashiir Waxa Laga Hayaa :- Seben Tagay Doraad, Shalay Haddii Laga Sokeysiiyo Ninka Saaka uun Garanayaa Sebi Yar Weeyaane.
Kaaga Darane Cod La’aanta Waxa Nagaga Sii Daran Af Xumada Oo Waxa Dhacday In Faysal Cali Waraabe, Ninka Maanta Codka Doonaya Ee Cirro & Wefdi Ay Hogaaminayaan Ay Tageen Gurigii Gudi Cimraanta Habar-yoonis. Faysal – na U Gudbiyay Codsigiisii Ahaa Cod Inay Siiyaan. Halkii Uu Gudomiye Faysal Ka Sugayay Inay Codka Siiyaan Ama Si Anshaxle U Diidaan Ayaa Waxa Kacay Odaygii U Weynaa Intii Madasha Fadhiday Kana Soo Jeeday Xirsi Cismaan Waxaanu Faysal Ugu Maah-maahay: Oday & Islaan Ayaa Meel Baadiye Ah Ku Noolaa Oo Dharkii Ka Idlaaday Timihiina Ku Baxeen. Ka Dib Ayaa Waxa Soo Maray Nin Socoto Ah. Waxaanu Ku Yidhi Waar Miyaanad Ogayn Inay Jirto Meel La Yidhaahdo BANDARKA Iyo Maya. Ka Dibna Odaygii Ayaa Islaantiisii Ku Noqday Kuna Yidhi Naa Waxa La ii Sheegay Inay Jirto Meel BANDARKA La Yidhaahdaaye Wann ii Soo Qabo Ka Dibna Odaygii Wankii Ayuu La Safray Waxaanu Tagay BANDARKII Odaygii Ayaa Dhar Loo Soo Gaday Timihiina Laga Xiiray Intaa Ka Dib Ayaa Odaygii Si Hoose U Yidhi Waar Meel Baa igu Daran ee Bi’i-waaya’e Iga Xiira, Halkiina Laga Xiir. Odaygii Oo La Soo Habeeyay Ayaa ku Soo Noqday Islaantiisii Markay Aragtay Islaantii Odaygii oo La Soo Habeeyay Ayaa Iyana Hinaastay Tidhina Waar Sabeen Ii Soo Qabo Ana Waan Tagayaaye. Iyana Tagtay BANDARKII Sidii Odaygeeda Oo Kale Loo Habee. Markay Halkaa Wax Marayaan Ayaa Islaantii Codsigii Odaygeeda Oo Kale Iyana Hoos U Gudbisay Sheegtayna In Meeli Ugu Daran-tahay. Laakin Codsigeedii Waa Laga Diiday Iyana Dooday Oo Tidhi Waar Odaygaygiiba Waad Ka Hagaajiseene Ana Iga Hagaajiya Ka Dibna Waxa Lagu Yidhi Loona Sheegay In Odaygeedu Lahaa Meel La Qabsado Laakin Iyadu aanay Lahayn Meel La Qabsado. Kolkaa Faysalaw Daahir Riyaale Meel La Qabsaduu Leeyahaye Adigu Ma Lihid Meel La Qabsado. Hadaba Waa Iga Su’aale Odaygan Gadhka Cas Ee Gar-xajis La Leeyahay Maalintaa aanu Codka Doonaynay Miyaanu Ahayn Mid Jiray. Mise Maalinkay Iyagu Wax Doonayaan Ayaa Xabaasha Laga Soo Saaraa Oo Gadhka Loo Soo Xinneeyaa. Waxaan ku Soo Af-meerayaa Maqaalkaygan Baydad ka Mida Gabaygii Mullaax ee Ibraahin Gadhle Alleh Ha U Naxariistee:-
Maskaxdaadu yay noqon,
Maqal lagula leeyahay,
Yaan toban muftaax iyo,
Lagu furan masaabiir,
Waxaad shalayto mudatiyo,
Mahadhada xusuusnoow,
Halkii qorigu kaa muday,
Mar labaad lugtaadiyo,
Cagtu yaanay kula marin,
Wabillaahi taw-fiiq
Qalinkii: Keyse Koosaar Cilmi
Hargeysa, Somaliland