Hargeysa (Hubaal)- Weriye Xasan Faarax Qamaan oo ka tirsan bahda degelka Boorama Online [http://www.booramaonline.com], ayaa raalli gelin ka bixiyey Warbixin uu ka diyaariyey Cuduro khatar ku ah nolosha Xoolaha Somaliland oo ka dilaacay deegaannada xeebta, kuwaas oo uu sheegay in daba gal uu markii dembe ku sameeyey ay ku ogaadeen inuu asaraar yahay oo aanay waxba ka jirin.
Weriye Qamaan oo qoraal raaligelin iyo cudur daar isugu jira soo gaadhsiiyey HUBAAL Media ayaa sheegay in xidhiidho badan oo uu dhinacyo kala duwan la sameeyey ku ogaaday in aanay warkaas hore wax ba ka jirin.
Qoraalka uu Weriye Xasan Faarax Qamaan soo saarayna waxa uu u dhignaa sidan:
“ASC, Waxannu ka cudur daaranaynaa warka ku saabsan xoolaha deegaannada xeebta Somaliland oo kadib xaqiijin dheerada oo shabakadda Booramaonline ay u gashay aannu ku ogaannay in aanay waxba ka jirin. Iyadoo ay tahay mid naga go’an oo mihnadayada shaqo ku salaysan inaanu markasta ku dadaallo baahinta wararka dhabta ah ee xaqiiqada ka turjumaya balse ay mararka qaar dhacdo in lagu khaldamo xogta ilo khalad laga helo, waxannu ka cudur daaraynaynaa warkaas oo aan xaqiiqada ku dhisnayn. Waxannu ogaannay in dadka nala soo xidhiidhay aanay qaarkood ku sugnayn deegaannada Lughaya iyo Bulaxaar midna ama xeebtaba, isla markaana ay ka been abuurteen qaarkood magacyada odayaasha ay sheegteen ee bulshadaas.
Waxannu la xidhiidhnay dhinacyo kala duwan oo ka tirsan maamullada degmooyinka Bulaxaar iyo Lughaya. Sidaa darteed, waxanu ka raalligelinayNaa shacabka iyo bulshada akhrisatay warkaas inay ka raalli noqdaan isla markaana ay shabakadaha warkaas qoray ka noqdaan.
Waad ku mahadsantihiin wada shaqaynteenna
Wariye Xasan Faarax Qamaan
qamaan1982@gmail.com
Booramaonline