Weftigii hogaanka xisbiga talada haya ee Kulmiye ee uu hogaaminayay guddoomiye Muuse Biix Cabdi oo muddooyinkii dambeeyay safar ku kala bixinayay gobolada Bari ee Somaliland ayaa maanta waxa si balaadhan loogu soo dhaweeyay magaalo madaxda gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne,halkaasi oo taageerayaasha xisbiga Kulmiye ee magaaladda Oodweyne ay weftiga kaga hortageen duleedka magaaladda,iyagoo u sii galbiyay weftiga magaaladda Oodweyne,halkaasi oo masuuliyiinta xisbiga Kulmiye ay fagaare kula hadleen boqolaal taageerayaasha xisbiga ee ku dhaqan gobolka Daad-madheedh,gaar ahaan magaaladda Oodweyne.
Hadaba halkan ka Daawo muuqaalka soo dhaweynta Weftiga