Waxan Soo dhawaynayaa Go’aanka Komishanka Doorashooyinku ku Cayimeen Muddada Doorashadu Dalka Ka dhacayso,waxaan Baaq Digniin ah u dirayaa Golaha Guurtida oo Garan la’ waajibka Shaqo ee ay qaranka U Hayaan

0
54

Dr: Elmi Said Mouse

Mudan dhamaan Akhristayaasha Mareegaha warbaahineed ee Dalka , marka labaad waxaan  maqaalkan kaga hadli  doonaa Go;aankii ay komishanka  doorashooyinka Qaranku ku cayimeen mudada ay doorashada madaxtooyada iyo Barlamanku ay dalka ka dhici doonaan

kiinHirgalinta doorashooyinka qaranku waa mid  ka mid ah tiirarka Dimuquraadiyada ay somaliland ku faanto , waa nidaamka dawladnimo ee ay shacabka iyo dawladiisuba qaateen , Hadaba mudadii u danbaysay waxay xukuumada Ahmed siilaanyo ay ku mashquulsanayd  mudo kordhin Xaaran ah oo ay ka hesho Golaha Guurtida Somaliland

 Hadaba waxaan doonayaa inaan bulshada dib u xasuusiyo mid ka  mid ahayd qudbadihii uu madaxweyne siilaanyo ka horjeediyay labada aqal Barlamaan ee Qaran inuu u balan qaaday in aanu diyaar u ahayn in aan  habeen , saacad iyo Maalin in loogu kordhiyo aanu diyaar u ahay , Doorashada wakhtigeediina uu qabanayo , Hadaladaasi Madaxweynaha ka soo yeedhay waxay  maanta Noqday  Mid ma  dhalays ah . soomalilduna waxay ku maahmaahdaa Nin weyn Oo Hadal Ka dhacay Waad Geed Qolofi ka dhacday  .Balan qaadkaa dhicisoobayna waxaa qabaa inuu kashifaad ugu filan yahay Faanka  badan Ee ka yeedha afka madaxweynaha iyo Maxasta ku ag Hareeraysan  .

somaliland waxaa ku habsatay masiibo Hogaanimo waayo ilaa maanta waxaa ay bulshadu la yaaban tahay nidaamka kala socda, waayo Madaxweynuhu waxaa inoo sheegay inuu doorashada wakhigeedii qabanayo ,  halka ay kooxo Haween u badani oo aan sharciga dalka iyo nidaamka dawladnimo waxba ka aqoonin oo hore u inqilaabay talada dalka ay doonayaan inay adeegsadaan Golaha Guurtida oo shaqadiisii uu qaranka u xil saarnaa ilaa maanta garan la;a

Waxaan Soo dhawaynayaa Go’aanka mudadaynta  Doorashada ee ay ku dhawaqeen Komishanka Doorashooyinka Qaranku oo Sida Runta ay iyaga waajibkooda shaqo ay tahay , waxaa kale   oo aan soo dhawaynayaa Go’aanada Geesinimada lahaa ee ay ka qaateen Xusbiyada Mucaarika ah oo sida runta ah muujiyay Bisayl siyaasadeed iyo wadaniyadeedba iyaga oo ka fogaaday wax kasta oo carqalad iyo buuq ku noqda dhagaha dadweynaha somaliland .

Mudanayaal iyo marwooyiin waxaynu wada xasuusanaa  dhacdooyinkii iyo foolxumooyinkii ay ku kici jireen xusbiga maanta talada dalka hayaa mudadii uu Mucaaridka ahaa kaasi oo Fawdo iyo rabshado ka abuuri jiray dalka dhexdiisa  marka ay timaado mudo kordhi loo sameeyo xukuumadii markaa jirtay . Maantana  waxaynu dareemi karna faraqa u dhexeeya Mucaaridadii shalay ee Xusbiga maanta talad haya iyo mucaaridka maanta oo runtii ay ka dul muuqato deganaan siyaasadeed iyo dulqaad faro badani taasi oo ay farayso Masuuliyada ay umada u hayaan .

Waxaa Baaq Digniin ah u dirayaa  Golaha Guurtida oo runtii caqabad ku ah geedi socodka Dimquraadiyada somaliland Enaga oo wada ogsoon in aanay u gudan waajibaad kooda shaqo ee dastuurku u baneeyay oo ah inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabad galyada , xalinta khilaafaadka beelaha , ilaalinta dhaqanka iyo Diinteena suuban ,

Waxay noqodeeed Gole siyaasadeed oo ka awood badan Golihii shacabka ( Barlamaanka ) ee umadani soo dooratay ee  loo soo doortay inay dalka u sameeyaan shuruucda dalka iyo inay ka hortagaan heshiisyo kasta oo ka soo horjeeda  qadiyada somaliland

, waxaa nasiib daro noqotay inay golaha  guurtidu  ay isa siiyeen awood aanay lahayn oo qarul sharciya iyaga ilaa maanta garan la’a waajibkooda shaqo , waxaynu wada ognahay inay maanta dagaalo sokeeye ay ka socdaan Deegaanka TALEEX ee gobolka xaysimo oo aanay ilaa maanta ka hadlin iskaba daa inay ka hawl galaan oo ay gudi u diraane.

Waxaan shacabka reer somaliland u diriyaa meel kasta oo ay joogaan inay u diyaar garoobaan inay dareenkooda diidmada ah  ee kadhan  Hadii ay golaha Guurtidu isku dayaan inay mudo kordhin xaaran ah oo qayrul sharciya u sameeyaan Xukuumadan Gudan wayday inay dalka ka qabato doorasho wakhigii loogu talo galay .

WABILAAHI TAWFIIQ

Tell: 063- 442-54-53

Email: Maxfuud009@hotmail.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here