“Waxan Rejaynayaa In Wasiirrada Xukuumadda Ka Baxay Aanay Furin Cadaawad Aan Loo Baahnayn, Wixii Cabasho Ahna…….”

0
26

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar –Wasiirkii Hore Ee Khaarijiga

“KULMIYE Guddihiisa Waa Inay Ka Dhacaan Tartamo Nadiif Ah Oo Daahfurnaan Leh Oo Looga Wada Qayb Gelayo”

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirkii Hore ee Wasaaradaha Ganacsiga iyo Arrimaha Dibadda Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar,ayaa dalka Dib ugu soo laabtay, waxana si weyn Hargeysa ugu soo dhaweeyey Xubno iskugu jira, Wasiirro, Xildhibaanno, Salaadiin, Haween, Dhallinyaro iyo saraakiil katirsan Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye. Dr Maxamed Cabdilaahi, ayaa soo dhaweyntiisa kadib saxaafadda Kula hadlay Xarunta VIP-da ee Madaarka Hargeysa, waxana uu ka Hadlay Xaaladda Siyaasadeed ka jirta Xisbiga Kulmiye Dhexdiisa, waxana uu tilmaamay in isu soo dhaweynta iyo turxaan bixinta Xisbiga baahi weyn loo qabo. Ugu horrayn Maxamed Cabdilaahi waxa uu Bogaadiyey hannaanka loo wado qaban-qaabada Shirweynaha Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye, waxana khilaafka Xisbiga Dhexdiisa ka aloosan ku tilmaamay mid Xisbiga Caado u ah, balse la dhammayn doono, maxamed cabdilaahi cumar“waxan jecalahay inaan halkan ka bogaadiyo Xisbiga Kulmiye  iyo hoggaankiisa iyo diyaargarowga fiican ee loogu jiro shirweynaha Golaha dhexe ee dhawaan qorshaysan, Guddoomiyaha Xisbiga iyo Madaxweynahaba aad baan u hambalyeynayaa arrimaha socda. Waxan ogahay inay jiraan Doodo iyo afkaaro lagu kala duwan yahay oo xisbiga ka dhex jira, arrimahaasi laakiin waa arrimo xisbiga Kulmiye uu caan ku yahay, waxanse ku kalsoonayay sidii xisbigu caanka ku ahaa in arrimahaas marka dambe is afgarad iyo isu tanaasul iyo wada hadal lagu dhammayn doono.” Ayuu yidhi Dr Maxamed Cabdilaahi Cumar. Waxa uu Si weyn u bogaadiyey Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi, waxana uu sheegay inuu yahay shakhsi xilliyo adag oo badan kasoo dabbaashay, isla-markaana maanta yeeshay astaamihii hoggaamineed, waxana uu yidhi, “Guddoomiye Muuse Biixi waxan ugu hambalyeynayaa Abaabulka SIyaasadeed ee loollanka musharraxnimada Xisbiga sida uu taageerada ugu badan ee Xubnaha Golaha dhexe ugu hantiyey, arrintaasina iska imane Waxa uu Guddoomiyuhu soo maray 8-sane ee ugu dambaysay Hawl culus, marka laga soo bilaabo shirarkii kala duwanaa eek a kala dhacay Magaalooyinka Burco iyo Hargeysa kaas oo uu ugu dambeeyey ee Hargeysa ka dhacay oo ay kasoo baxeen culaysyo badan oo Guddoomiyaha ku adkaa, Laakiin Guddoomiyaha iyo kooxdiisuba waxa ay arrintaas kaga soo baxeen Dulqaad, Samir iyo qiimayn siyaasadihii jirey oo uu intaba qiimaynayey arrintaasina waxa ay muujinaysaa Bisayl siyaasadeed oo looga baahan yahay hoggamiye  qaran inuu yeesho.” Maxamed Cabdilaahi  waxa uu madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Kulmiye ugu baaqay inay xil weyn iska saaraan sidii khilaafka xisbiga ku jira meesha looga saari lahaa,“Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Xisbigaba waxan farayaa in xisbiga lasoo ururiyo, khilaafyada jirana si wanaagsan oo nadiif ah loo dhegaysto, xisbiga gudihiisana ay ka dhacaan tartanno wanaagsan oo daah-furnaan leh oo si furan looga wada qaybgelayo waxa halkaas kasoo baxana Xisbi-weynaha kulmiye oo wada taageero oo dhiso haddii xisbigu doonayo inuu mar labaad talada dalka ku guulaysto.” Ayuu yidhi Maxamed Cabdilaahi Cumar. Dhinaca kale waxa uu ka Hadlay Wasiirradii dhawaan sida wadar ahaanta ah iskaga casilay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo, waxana uu sheegay inaan loo baahnayn abuurridda Uur-ku-taallo Siyaasadeed, waxana uu yidhi,“Qolada wasiirrada ah ee Xilka iska casilayna waxan  rajaynayaa inaan arrintoodu furin cadaawad siyaasadeed oo aan loo baahnayn iyo khilaaf aan dalku u baahnayn, iyadoo wixii tabashooyin ee jirana Dariiqyada furan loo maro.” Isagoo kasii hadlaya Wasiirrada Xilalka Banneeyey ayaa waxa uu intaas ku daray,“Kooxda wasiirrada ah ee tagtay waxa ay ahaayeen niman aanu saaxiibo ahayn oo aanu soo wada shaqaynay, hase yeeshee waxa muuqata inaan iscasilaadoodu ahayn mid ay shakhsi u qaateen balse ay ahayd mid ay si wada jir ah u qaateen. Laakiin sidii madaxweynuhu ugu jawaabay waxay muujinaysaa waayo aragnimo iyo bisayl siyaasadeed, khilaaf cusub oo  ay dalka ku keentay iyo mid ay usoo waddo midna iima muuqdo.” Jaamac Ismaaciil Cige, (Shabeel), “annaga nooma muuqato sabab keenta in tiro intaas le’eg oo wasiirro ahi iscasilaan “xuseen wuxuu inoo sheegay inuu dhinacooda madaxweynuhu ahaa markii uu dhinacooda kasoo baydhayna ay iscasileen, haddii ay madaxweynaha  taageerayaan waxa ay ahayd inay isaga la socdaan, mushkillada waxa uu ka dhigay mid madaxweynaha iyo iyaga dhex taalla.” “tirade golaha dhexe ee Kulmiye 241-Xubnood oo gobollada laga soo doorto ee sida tooska ah loosoo doorto iyo xubno sida tooska ah usoo gala oo ka kooban Xubnaha Wasiirrada, Wakiillada iyo Guurtida tiradooduna waa is bedbeddeshaa, liiskoodana kuwaas waxa laga rabaa Madaxtooyada inay soo gudbiso, waxana ay noqonayaan  Boqol iyo dheeraad.” “Shirarka xisbigu waxa ay ku furmaan Kooram Haddii uu buuxsamana wuu furmayaa Haddii kalena ma furmo karo.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here