“..Waxaanu Metelnaa Shacbiga Gobollada Waqooyi ee ma Metelno Dawladda Somaliland..” Xildh. Foosiya Yuusuf

0
75

Muqdisho(Hubaal)-Xildhibaan Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, oo ka tirsan Baarlamaanka Somalia, kana soo jeeda Somaliland, ayaa sheegtay inaanay Dawladda Somaliland ku metelin xilka ay iyada iyo Xildhibaanada kale ee Somaliland ka soo jeedaa Somalia ka hayaan.
Foosiya oo lagu waraystay Barnaamijka Dareenka Shacabka ee HCTV, ayaa mar la waydiiyay inay Xildhibaanada ama Siyaasiyiinta Gobolada Somaliland ka soo jeeda ee Dawladda Xamar ku jiraa Difaacaan Xuquuqda Somalilad, sida kuwa dhigooda ah ee Gobolada kale ee Somaaliya, waxaanay sheegtay inaanay
foosiya xaaji aadan“Haa..Xildhibaanadu xaq bay u leeyihiin, wayna ka hadlaan markay rabaan arrimaha waqooyi, haseyeeshee Dawladda Somaliland baan Ogolayn-ba inay metelaan…Annagu hadda Dawlad ma metelno laakiin, shacabka ayaanu Metelnaa, waxaanuna Baarlamaanka ku joognaa Qabaa’ilkii Waqooyiga, sidaas darteed wixii dan ah ee soo gala waanu difaacaynaa..markaas haa xaq baa loo leeyahay wixii waajib ah ee nala soo kulma inaanu difaacno” ayay tidhi.
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan oo ka mida Siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee Dawladda Soomaaliya ka mid noqday saddexdii sanno ee u dambeeyay, ayaan ku dhiiranayn xaqiraada xaqiiqada ka jirta Somaliland, wallow aanay mabdi’yan waxba kaga duwanayn dawladda ay ka tirsantahay marka kor looga san-qadhiyo Doodda.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here