Hargeysa (Hubaal) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa munaasibad lagu xusayay 18-ka oo ka qabsoontay xarunta madaxtooyada ka sheegay in dawladdiisu diyaar u tahay inay sii dayso maxaabiis ay kusoo qabteen dagaalkii Tuka-raq, taasi beddelkeedana ugu baaqay dawladda Puntland inay soo dayso wixii ay ka qabatay dhinaca Somaliland.
Madaxweyne Biixi waxa uu sheegay inay Somaliland ka go’an tahay inay dunida iyo deriskeedaba nabad kula noolaato, waxana uu yidhi, “Haddaanu nahay Somaliland oo caawa halkan ku dhan, waxan doonayaa inaan baaq dheer ugu diro inaynu dalalka jaarka dhammaantoodba inaynnu nabad kula wada noolaanayno, gaar ahaan Soomaaliya oo maanta muran xooggani naga dhexeeya muddo soddon sannadood ah, waxa aannu xuduud ka wadaagnaana waa Puntland xad dheer oo shan boqol oo Kiilomitir ah aannu wadaagno.”
Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu shaaciyey inay Somaliland go’aansatay inay nabad waarta iyo xasillooni kula noolaato maamulka Puntland, isaga oo caddeeyey inay haboon tahay in laga wada-hadlo sidii la isugu celin lahaa maxaabiistii lagu kala qabsaday isku dhicii Jamhuuriyadda Somaliland iyo maamulka Puntland ku dhexmaray deegaanka Tukaraq, “Puntland waxan ugu baaqayaa waxaannu idiin wadnaa nabad iyo walaaltinimo iyo inaynnu xasillooni ku wada noolaano, waxana aannu rajaynaynaa inaanu khilaaf dambe dhexdeena ka dhicin, waxannu diyaar u nahay oo aannu nabadda ka bilaabaynaa oo aan doonayaa inaan iclaamiyo inaanu diyaar u nahay inaanu sii daynno maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Tukaraq, iyaguna ay soo daayaan wixii ay naga hayaan,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.