“Waxaan Somaliland u Imid Ra’iisul-wasaarahayga oo ay ka Go’an Tahay in UK Noqoto Maalgaliyaha u Weyn G7 ee Caawiya Afrika”

0
23

Wasiiru-dowlaha Britain u Qaabilsan Afrika Oo Shaacisay Dhaqaale hor leh oo ay Dawladdeedu ugu Deeqayso Somaliland

 “Waxana Aan Aad Ugu Faraxsanahay Inaan Halkan Kaga Dhawaaqo Bilowga Wejiga Labaad Ee Mashruuca Horumarinta Somaliland Oo Aannu  Ugu Deeqaynno 25-Milyan Oo Bound” Wasiiru-dawlaha dalka Ingiriiska u qaabilsan qaaradda Afrika, Mis, Harriett Baldwin

Hargeysa(Hubaal)- Wasiirul-dowlaha  Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Harriett Baldwin oo booqasho rasmi ah ku timid Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in Dowladdeeda ay 25 Milyan oo Pound ku dartay wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland oo lagu fulin doono mashaariic la xidhiidha kaabeyaasha dhaqaalaha. Wakaalladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo turjuntay xogwarankii Wasiirul-dowlaha Ingiriiska u qaabilsan Afrika, Mr. Harriett Baldwin oo shalay faahfaahisay qoddobadii ay ka wada hadleen Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi.

“Waxaan aad ugu faraxsan nahay inaan joogo  Hargeysa, Somaliland  oo ah  dal ka mid ah Afrika oo xidhiidh qotodheer oo la leh dalkayga Ingiriiska, waxaan halkan u imid Ra’iisul-wasaarahayga oo ay ka go’an tahay   in UK noqoto maalgaliyaha u weyn ee dalalka G7 ee  caawiya waddammada Afrika. Waxaan maanta arkay qaar ka mid ah shaqooyinka ay maalgelisay DFID ee ay u qabteen dadka reer Somaliland oo dhan,”ayey tidhi Mrs. Harriett Baldwin, waxaanay intaas ku dartay in UK ay dhaqaale soo mariso UNICEF si wax loogu qabto carruurta nafaqo darradu haysato.

Wasiirul-dowlaha Ingiriiska waxay intaas ku dartay;  “Waxaan ku faraxsan nahay inaan maanta ku dhawaaqo inaanu wejiga labaad ee sanduuqa horumarinta Somaliland (SDF) ku darno 25 Milyan oo Giniga Ingiriiska ah, si aanu uga caawinno Somaliland mashaariic ballaadhan oo  ki wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha.”

Mrs. Harriett Baldwin waxay caddeysay inay u riyaaqday sida Madaxweyne Muuse Biixi ay uga go’an tahay dimuqraadiyadda iyo    doorashooyinka Baarlamaanka  ee lagu wado inay Somalilad ka qabsoonto   kal-dambe, waxaanay tidhi; “Sidoo kale waxaan soo dhaweynayaa siday madaxweynaha uga go’an tahay dimuqraadiyadu iyo inaan maqlo in horumar laga sameynayo  dhinaca doorashooyinka Baarlamaanka ee qabsoomaya sannadka 2019ka.” “Waxa kaloo aan soo dhaweynayaa in Geeska Afrika oo dhan ay  ka bilaabantay rejo ah nabad iyo iskaashi. Waxaan  si xoog leh ugu boorinayaa  cid kasta in laga wada shaqeeyo  sidii loo  sii wadi lahaa  wada-hadallada,  si loo xaliyo  mowduucyada la isku maan-dhaafsan yahay.”

Ugu dambayn, waxay shaacisay inay UK garab taagan tahay xidhiidhka iyo saaxiibtinimada guunka ah ee  ka dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska.

Solnanews.com

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here