“Waxaan Leeyahay Xukuumad Ahaan, Waxa Naga Go’an In Ay Doorashada Madaxtooyadu Ku Qabsoonto Wakhtigii Loo Cayimay Ee 13, November, 2017-ka, Ee Halloo Diyaar Garoobo”

0
54

Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Muhiimadda Bilawga Qaybinta Kaadhadhka Codaynta Doorashada & Gurmadka Abaaraha

“Shacbi-weynaha Somaliland Waxaan Ku Dhiiri-Gelinayaa Ilaallinta Nabadgelyada, Gurmadka Abaaraha Iyo Horumarka Dalka”

++++++++++

“Waxaan Ugu Baaqayaa Shacbi-weynaha Inay Qaataan Oo Xil Weyn Iska Saaran In Qof Walba Oo Muwaaddin Ahi Helo Aqoonsigiisa Cod-Bixiye” – Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweynaha-Somaliland-Siilaanyoh

 Hargeysa (Hubaal):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa sheegay in Hawsha qaybinta Kaadhadhka Cod-bixinta doorashada ee shalay oo Khamiis ahayd ka bilaabmay gobollada Awdal, Saaxil iyo 12 goobood-diiwaangelineed oo ka tirsan Dhulka Xeebaha ah ee gobolka Sanaag iyo hawsha Gurmadka Dadka Abaaruhu tabaaleeyeen ay kamid yihiin tallaabooyin dhinaca horumarka qarannimada ah oo hore loo qaaday. Waxa uu Madaxweynuhu  sheegay inay tahay horumar iyo guul Somaliland u qaadday dhinaca geeddi-socodka dimuquraadiyadda iyo hannaanka doorashooyin Xor ah oo ka hirgala dalka Somaliland mustaqbalka dhaw. Qoraalka War-Saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada oo uu Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed-Siilaanyo arrimahaas kaga hadlay, kaasi oo Nuqul ka mid ahi Wargeyska Hubaal ayaa Md. Siilaanyo kasokow arrinta kaadh qaybinta waxaas kale oo uu kaga hadlay abaaraha dalka ka jira. Ugu horeynse waa kan Madaxweyne Siilaanyo oo faahfaahinaya farriin ku dhereren qaadashada kaadhka codbixinta oo uu bulshada u diray. “Milgo iyo maamuus weyn bay ii tahay in aan maanta [shalay] idiin soo gudbiyo, farriin xambaarsan muhiimadda qaadashada kaadhka cod-bixinta oo dalka ka bilaabmi doonta 29-ka, bisha April, 2017-ka, Eebe idamkii. Qaybinta kaadhka codbixinta doorashada madaxtooyadu, waa gallad eebe iyo guul u soo hoyatay guud ahaan Qaranka Somaliland. Waa horumar iyo guul loo qaaday dhinaca geedi-socodka dimuqraadiyadda iyo hannaanka doorashooyinka xorta ah ee ka tisqaaday geyi-geenna hooyo. Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Shacbi-weynaha Somaliland inay qaataan oo xil weyn iska saaran in qof walba oo muwaadin ahi helo aqoonsigiisa codbixiye. Innaga oo xog-ogaal u ah oo dareensan xaaladda ba’an ee abaaraha dalka ka taagan, kuna hawlan dardargelinta gurmadka bulshadeena abaaruhu samaayeen, (waxaynu Ilaahay ka baryaynaa inuu abaarta inaga soo jebiyo, insha Allaahu). Waxaan ku rajo-weynahay inaynu nahay dal iyo dad isku wadi kara hawlaha gurmadka abaaraha ee dadkeena tabaalaysan iyo qaadashada kaadhka codbixinta. Xukuumad ahaan, waxa naga go’an in ay doorashada madaxtooyadu ku qabsoonto wakhtigii loo cayimay ee 13, November, 2017-ka, ee waxaan leeyahay halloo diyaar garoobo. Shacbi-weynaha Somaliland waxaan ku dhiiri-gelinayaa ilaalinta nabadgelyada, gurmadka abaaraha iyo horumarka dalka” Wa-bilaahi Tawfiiq.” Sidaa ayaa lagu yidhi Warkaas Qoraalka ah ee Madaxweynuhu kaga hadlay Hawsha Kaadh-qaybinta iyo Gurmadka Abaaraha ee Madaxtooyada ka soo baxay shalay galab.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here