“Waxaa La Yareen Doona Ajaaniibta Dalka Ku Soo Qul Quleysa”

0
100

Wasiirka Shaqada Iyo Arrimaha Bulshada & Qoyska Somaliland. Marwo Hinda Jaamac Gaani

Hargeysa (Hubaal) Wasiirka shaqogelinta arimaha bulshada iyo qoyska ee Somaliland Marwo Hinda Jaamac Gaani oo golaha wakiillada Warbixin ka siisay xilka ay qaranka ugu igmantahey wasaaradda shaqogellintu, ayaa ka hadashay doorka wasaaradda ay wasiirka ka tahay kaga aadan shaqaalaysiinta muwaadiinta iyo daryeelka ubadka daryeelkii waalidnimo waayay. Khudbad ay ka jeedisay kahor Intii Aan  Cod aqlabiyad ah lagu ansixin ayaa waxaa hadaladeedii kamid ahaa “Wakhtigii uu ii magacaabay madaxweynaha    qaranku  Muuse Biixi Cabdi wasaarada Shaqo gelinta Arimaha Bulshada  iyo Qoyska   waxaan   isku  dayay inaan wax ka ogaado Baahiyaha kala duwan ee Haysta dadka nugul taasi oo wasaaradani u igmantahey  Shaqogalkeeda  iyo ka warhayntooda  Waxaan isku  dayay inaanu taabano oo  ogaano Dhamaan goobaha lagu hayo caruurta dhaqan Celinta ,Dadka  dhimirka  wax kaqaba iyo inaanu caruurta daryeelkii waalidnimo helin baanaanka ka uruurino caruurta  daryeelkii Waalidnimo wayday madaama oo ay wasaaradani u igmantahey dhamaanba baahiyaadka Bulshada  ee  dadka nugul.

 

Waxaanu soo taabanay inaanu dib u eegno dhammaan xeerar wixii  uyaala inaanu usamayno Siyaasad  wasaarada gaar ahaan. Haweenka  Naafada Caruurta iyo dhammaan inta nugul oo Dhan.waxaanu ka qaybqaadanay waxyaabo waxku ool ah wakhtigan  dhaxanta ah ee ay Aadka u darayeysanyihiin caruurta darbijiifka ahi waxaa noo diyaarsan inaanu gacan wayn Ka gaysano dardargelinana waxna ka qabano dhamaan baahiyaha dadka nugul ee reer   Somaliland .

 

Wasiirku waxay  uga mahadcelisay golaha wakiilada ansixintii xeerka kufsiga iyo jinsiga ee Ay dhawaan asixiyeen sidoo kale waxay kacodsatay golaha wakiilada Somaliland inay Ansixiyaan siyaasada u taala haweenka haday tahey kootada ama gudniinkafircooniga ah iyo Xeerarka Naafada iyo Caruurta  .

 

Ugu dambayntii waxay wasiirku sheegtay in ay mauadanayaasha golaha wakiilada ay ka codsanayso in ay ansixiyaan.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here