Wax Ka Baro Cilmiga Xadithka: Qore: Sheekh Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

0
183

DIINTA IYO NOLOSHA:

 

Qaybtii Kowaad

 rakuub

Qeexiid Cilmiga Musdalaxa Xadiiska Ah

Mahad Alle SWT ka dib, Musdalaxu waa; eray bixin, faa’iidada Musdalaxuna waa in la ogaado Xadiiskani Rasuulka CSW ma ka sugnaaday mise kama sugnaan. Aqoonta lagu kala ogaada la yidha Musdalax. Waxa aanay barashadiisu so caan baxday markii ay so baxeen axaadiis fara badan oo lagu been abuurtay Rasuulka CSW.

Inta badan aqoonta lagu kala ogaado ee ay u qaybsamaan waxa la yidhaa Sanad iyo Matni.

Sanad: waa dariiqa qofka xadiiska warinaya uu ku wariyo illaa Nabiga CSW laga gaadhayo.

Matni: waa hadalka Nabiga CSW illaa ka warinaya ayaa la yidhaa Matni.

Xadiiska saxeexa ah waxa lagu garta:-

  • Sanad: ahaan inu xidhiidhsan yahay (qof kasta qofka u ka warinayo ugu yaraan waa in ay hal mar is arkeen, isku wakhtina noolayeen).
  • Caadil: waa inu warinayo xadiiska (marka caadil laga hadlayo waa in uu yahay qof aan been lagu aqoon).
  • Shaad: waa in aanu ahayn (shaad waa qofka xadiiska werinaya oo khilaafa dhowr qof oo si kale u warinaya xadiiska, ama qof isaga ka xifdi badan uu khilaafo).
  • Cillo: waa in aanay jirin (waa cillo xadiiska kala goynaysa, oo qaarson).
  • Daabid: waa inu yahay (qofka xadiiska werinaya waa inu xadiiska xifdisan yahay oo korka ka haya, ama kitaab ugu qoran yahay. Culimadii xifdiyi jiray axadiista waxa la odhan jiray xufaad iyo xaafid hebel sida Ibnu Xajar oo kale).

Garatay sida loo saxiixiyo xadiiska in aynu ku sheegnay inu yahay saxeex intaa kor ku xusan marka laga helo. Hadaba marka lagu yidhaa xadiiskaasi waa saxeex waa in aad intaa ka hubsata. Markaa waxa u noqonaya xadiis xujo gal ah; meel walbana waad u daliishaynaysa sidaa Axkaamta, Caqiidada, Tafsiirka iyo Siiradaba. Axaadiista ugu saxeexsana waa kuwa ay w ariyeen labada sheekh ee Bukhaari iyo Muslim. Inta badan iyaga isku hawli maysid marka laga yimaado Bukhaari Adabul-Mufradka. Muslimna axaadista Muqadimada ah.

Xadiiska Xasanka ah waxa lagu garta:-

  • Inta aynu kusoo sheegnay xadiiska Saxeexa ah way ka siman yihiin sida Sanadka, Caadilka, Shaadka iyo Cillada. Se waxa ay ku kala tagsan yihiin Daabidka, sidaas ayaa lo yidhi waa xadiis Xasan ah.

Sababta loo yidhi waa xadiis Xasan ahii waa isagoo ka xifdin hooseeya qofka wariyey xadiiska Saxeexa ah, sidaas daradeed u hal salaan ka hoos maray darajadii laga rabay. Waana sababta loo yidhi waa xadiis wanaagsan. Ogow in uu yahay xadiis xujo gal ah, oo loo dalishanayo meel walba.

Xadiiska Daciifka ah waxa lagu garta:-

  • Xadiiska ka hooseeya xagga darajada xadiiska Xasanka ah ayaa la yidhaa waa xadiis Daciif ah.

Xadiiska Daciifka ahii waa mid sida aynu kor kuso xusnay darajo ahaan ka hoos maray xaggi laga rabay, sidaa daradeed noqon maayo xadiis xujo gal ah. Haddii dhowr xadiis oo daciif ahi is biirsadaan waxa u noqonaya xadiiska loo yaqaan Xasanu Liqayrihi.

 

Xadiiska Marfuca ah waxa lagu garta:-

  • Xadiiska Marfuca ah waxa loo tiriyo Rasuulka CSW, oo la yidhaa Rasuulka sidaa yidhi, ama Rasulka sidaa sameeyey, amase Rasuulka dharkiisu, akhlaaqdiisu, fadhiigiisu, istaagiisu, socodkiisu sidaa iyo sidaa ayey ahayeen.

Xadiiska Maqduuca ah waxa lagu garta:-

  • Waa xadiiska Taabicugu wariyo ee u Rasuulka CSW ka wariyo.
  • Ama Taabicigu ku fasiiro Tafsiirka iyo Axaadiista.

Maqduuca xadiiska la yidhaa waa laba mid un; in uu ku saxsan yahay Taabicigu warkiisa, tusaale ahaan inu sharaxayo aayad Qur’aan ah, ama Xadiis uu sharaxayo. Taasi waa mid uu ku saxsan yahay. Se haddu yidhaahdo waxa aan warinayaa xadiis dabadeed isaguu yidhaa Rasuulki waxa uu yidhi. Su’aashaad is waydiini waxa weeji xageed isku soo gaadheen. Markaa waxa aad halkaa ku garan in sanadka xadiisku kala go’an yahay.

Lasoco Qaybta Labaad

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here