Wasiirro Faddeexad La Hortegay Warbaahinta Dawladda Oo Waji-Gabax La Kulmay

0
32

Wasiir Cukuse oo mid ka mid ah Wariyeyaasha Telefishanka Qaranka si fool xun u weeraray, xilli ay Shir jaraa’id u qabteen Warbaahinta Dawladda isaga iyo laba Wasiir oo kale

cukuseHargeysa(Hubaal)-Saddex Wasiir oo ka tirsan Xukuumadda Somaliland, ayaa Maanta Shir-jaraa’id ugu qabtay Warbaahinta Dawladda Xarunta Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka, kaasoo ay ku bogaadinayeen Safarkii Madaxweyne Siilaanyo ku maray Gobollada dalka Bisha Janaury ee aynu ku jirno ee  tobanka Maalmood ah qaatay.

cukuse afka silanyoWasiirrada Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Howlaha Guud Cabdirisaaq Khaliif  iyo Wasiir u dowlaha Maaliyadda Cismaan Saxar-diid Cadaani, ayaa Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, gaar ahaan Wariyeyaasha ka howl-gala saddex xaruumood ee Warbaahinta Dawladda,  isugu yeedhay Hoolka Shirarka Jaraa’id lagu qabto ee Xarunta Telefishanka Qaranka, waxaanay ka dalbadeen inay Su’aallo ka waydiiyaan safarkii Madaxweynaha oo ay Wasiirrada Xukuumaddu usbuucan socda ka dhigteen Mowduuc Siyaasaddeed oo ay  Fagaareyaasha kaga baanaan, sida warbaahinta laga dheehanayay xubno hore uga hadlay oo uu ka mid yahay Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale.

Saddexdan Wasiir oo aan ilaa hada la ogayn sababta ku keliftay inay si wada jir ah  Warbaahinta ula soo fadhiistaan bogaadinta Safarka Madaxweynaha oo sidii uu isaguba sheegay ahaa Socdaal Waajib ah oo uu danta dadka iyo dalka ku indho-indhaynayay, maadaama uu yahay hogaamiyihii Qaranka ugu sareeyay, Dastuurkuna ku waajib-yeellay inuu  si siman xogogaal ugu noqdo Baahiyahan ka jira guud ahaan Bii’ada ay ku noolyihiin dadka uu maamulaa, ayaa talaabada ay Wariyeyaasha Warbaahinta dawladda ugu koobeen Shirka Jaraa’id iyo sababta ku keliftay, isweydiin badan ka dhex abuurtay goobta ay isugu yeedheen Suxufiyiinta.

Inkasta oo sidan kor ku xusnay ay Saxaafadda Madaxbaanan lagu soo casuumin Shirkan Jaraa’id, hadana sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen xubno ka mid ah ka qayb-galeyaashii Shirku , qaar ka mid ah Wariyeyaasha ka howl-gala Laamaha Warbaahinta dawladda ee shirka loogu yeedhay, ayaa Wasiirrada waydiiyey sababta Saxaafadda Madaxbanaan looga indho saabay shirkan ee Shaqaalaha Dawladda Mushaharka ka qaata loogu koobay.

Sidoo kale, mid ka mid ah Wariyeyaasha Telefishanka Qaranka, ayaa intaan shirku bilaabmin Wasiirrada si guud u waydiiyey “Wasiir annagu Safarka Madaxweynaha illeen ma dhaliili karnee hadii aad doonaysaan in wax laydinka waydiiyo maxaad saxaaafadii madaxabanaanayd  ugu yeedhi waydeen aniguba Madaxweynaha waanu ku hambalyeynaynaa socdaalkee”ayaa la sheegay inuu mid ka mid ah Wariyeyaashu si gaar ah waliba goobta ugu waydiiyey Wasiirkiisa Cabdilaahi Maxamed Daahir.

Warku wuxuu intaa ku daray in Wasiir Cukuse Ninka Wariyaha inta uu indhaha kaga dhacay ku yidhi hadal u dhignaa “Maxaad u jeedaa!”, taasoo uu Suxufiguna uga hal-celiyey “Dalkeena Nimcaa fadhida”.

Goob-joogeyaasha Warka u soo gudbiyey Gobanimonews, waxay intaas ku dareen inuu Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Shirka jaraa’id ka saaray Suxufigaasi, isla markaana uu ku amray inuu gabi ahaanba ka baxo Wasaaradda oo uu Shaqaalaha ka yahay, isagoo ku qaniinnay kelmada kooban ee ay isdhaafsadeen oo marka dhinaca saxda ah laga istaago nasteex u ahaa Siyaasadda xukuumadda ay afkeeda ku hadlayaan iyo Sumcad Shakhsi ahaaneedd ee Wasiirrada.

Hase ahaatee waxa intaas lagu darayaa inuu Wasiir Cukuse Albaabka Wasaaradiisa ka soo saaray Wariyehaasi oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Caydaruus, waxaanay tilmaameen Dadkii kulanka joogay inuu sidaa Shaqada sidaa kaga eryay Suxufigan, inkasta oo aan layska gaadhin markaa xilli Warqad uu u qoro ee uu shirkiisii jaraa’id iska qabsaday.

Noomay suurto gelin inaanu helno Wasiirka iyo Wariyaha si aanu labadooda dhinacba wax uga waydiino dhacdadan dhex martay, hase ahaatee warku wuxuu intaa ku daray in markii intaasi dhacday ay saddexda Wasiir iska sii wateen  Shir-saxaafaddeedka  dawladdeysan ee ay Safarka Madaxweynaha ku buun-buuninayaan, kaasoo marka la maleeyo  sababta ay  Warbaahinta  dawladda ula hortageen lagu micnayn karo qorshe ay buste ku saarayaan Dhaliilaha  Mucaaridku ku dureen  Safarka, iyagoo ku tilmaamay mid minjo baxsi ahaa, Olole Siyaasaddeed iyo mid madaxweynuhu ku dersayay Taageerada uu Bulshada ka haysto hadii uu dib isu soo sharaxo.

Si Dhaliilahaasi  Mucaaridku ku doc-wareemay Safarka Madaxweynaha ay bulshada dhegahooda uga safeeyaan, sawir ka duwan taasna ugu sameeyaan, “Xukuumaddu waxa sida qodaxda ku mudan Dhaliilaha Mucaaridka ee Safarka Madaxweynaha loo jeediyey, markaa si ay isaga fujiso ayaa maalin walba Wasiir shaashadaha  isa soo taagayaa” ayay odhanaysaa ujeeddada koowaad ee kaliftay  Shirka jaraa’id ee Qolka Madow loogu qabtay Warfidiyeenka Dawladdu.

Geesta kale, waxa jira dareen kale oo dhacdadan u sibir-saaraya wel-wel siyaasaddeed oo la soo dersay xubnahan Wasiirrada ah, kaasoo ay isku dayayaan inay kaga badbaadaan gacanta madaxweynaha, waxaana dhici karta in Madaxweyne Siilaanyo baandheynayo qorshe isku shaandheyn ah oo uu ku samaynayo Xukuumaddiisa, taasoo ay isleeyihiin isku badbaadiya xubnaha u ban-baxay difaacista Madaxweynaha oo safka hore kaga jira masuuliyiinta dawladda ee Barta Madow ku ah xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Loollanka Doorasho waajahaysa, kuwaasoo ay khasab tahay in xilalka ay hayaan cid kale loo dhiibo, maadaama oo aanay wax taageero ah ka haysan Deegaamada ay ka soo jeedaan.

source:Gobanimonews

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here