Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Siilaanyo Oo Tabashada Awadal Ku Riixay Xukuumadihii Ka Horeeyay

0
25

Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa ka jawaabay baaqii dhawaan ka soo baxay shirkii beesha Awdal ay yeesheen, isaga oo ku tilmaamay tabashooyinka beeshaas mid aan xukuumadan la kawsan.

Wasiir cuskuse ayaa sida oo kale beeshaas uga mahadnaqay in ay taageereen nabada iyo qaranimada Somaliland. Waxaanu sidan ku sheegay hadal uu ka jeediyay tilifishinka qaranka waxaana isaga oo arimahaas ka hadlaayay uu yidhi “Ugaaska, salaadiinta waaweyn ee magac leh,cuqaasha,culimada, aqoonyahanka,haweenka, ganacsatada iyo cid kasta oo shirkaas iyo isku duubnida bulshada Somaliland gacan ka gaysatay waxaan leeyahay hanbalyo hanbalyo.”

 Cukuse

Wasiir Cuskuse oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“Hadaba tabashadii salaadiintu ay madaxweynaha soo gaadhsiiyeen oo ka mid ahaa qodobadii shirka ka soo baxay, waad ogtihiin oo madaxweynuu horena waa uu uga hadlay booramana waynagii ku wada hadalnay ee aad tilmaamteen balana la wada galay, in tabashadiinu aanay ku qotamin mid xukuumadan u gaar ah  balse ay ahayd mid mudo dheer soo taxmaysay  oo la da’ ah Somaliland, madaxweynahana aad sheegteen inaad is lahaydeen qof ahaan iyo karti ahaanba inuu yahay mid ka dabaalan karaaya oo xal arintaas u helaaya, karaamada aad madaxweynaha karaamayseen waxa dhinac socda culayska ah in uu dhibtaas xaliyo, madaxweynuu waxa uu diyaar u yahay inuu dhibaatooyinkaas oo dhan xaliyo marba sida uu xal ugu helo haday qayab noqonayso iyo hadii ay dhamaan noqonaysaba inuu xal ku furdaamiyo ayuu ku maqan yahay, laakiin mushilada intaas leeg saacado laguma saxi karo wax dibnaa saaran oo erayo lagu odhanaayana maaha waa wax u baahan in godkaas hore ee ay ku dhacday in laga qodo,Saomaliland iyo madaxweynuuba diyaar ayay u yihiin.”

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here