Boorama, (Hubaal) – Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa deeq Dawooyin, Raashin, Bustalaal iyo Agab kale oo ay ka mid yihiin maacuunta wax lagu karsado gaadhsiisay Cusbitaalada Boorama iyo Wajaale, waxaana deeqdaasi ka gudoomay badhasaabada Boorama iyo Wajaale iyo bahda cusbitaalka magaalooyinkaasi.
Deeqdan Dawooyinka ah ayaa ku soo beegantay xili gobolka Awdal uu ka dilaacay shuban biyood, waxaana deeqdan si diiran usoo dhaweeyey maamulka gobolka iyo bahda cusbitaalka Boorama.
Ugu horayn Wasiirka Maaliyada Somaliland oo markii ay deeqdaasi dawooyinka ah ku wareejinaysay masuuliyiinta gobolka Awdal iyo Cusbitaalka Boorama oo la hadashay warbaahinta ayaa sheegtay in ay cusbitaalka gobolka Awdal ay ku wareejinayso 64 Kartoon oo dawooyin ah, bustayaal, Mara-Kaneeco iyo agab kale oo muhiim ah.
Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo arintaasi ka hadlaysaana waxa ay tidhi “Maanta waxa aanu cisbitaalka Boorama ku wareejinaynaa Dawooyin ka kooban 64 Kartoon oo dawooyin ah, Bustayaal, Mara kaneeco, Baaldiyo iyo guud ahaan wixii ay u baahnaayeen cusbitaalka Boorama in mudo ah, ayaanu ugu soo talo galnay”. Ayay tidhi Wasiir Samsam, waxaanay intaasi ku dartay mar ay ka hadlaysay cida ka caawisay deeqdan ay gaadhsiisay cusbitaalka gobolka Awdal “Waxa naga caawisay runtii Save the Children oo iyagu alaabooyinkii ay hayeen ee ay gurmadka degdega ah (Emergency-ga) u hayeen, waxaan jeclahay in aad naga gudoontaan wixii alaab ah ee aanu idiin sidno, insha allaah, wixii kalena taladeedu way badan tahaye waynu ka tashan”. Ayay tidhi Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan.
Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Badhasaabka gobolka Awdal Mustafe Cabdi Shiine, waxaanu uga mahadnaqay Wasiirka Maaliyada gurmadka ay la soo gaadhay Gobolka, waxaanu tilmaamay inuu ka ka gudoomay oo uu ku wareejinayo Agaasimaha Cusbitaalka Boorama.
Maxamed Xuseen Maydhane oo ah Maayarka Magaalada Boorama oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay inuu uga mahadnaqayo Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam kaalmada ay soo gaadhsiisay Cusbitaalka, isla markaana ay tahay mid aad loogu baahnaa xiligan.
Waxa kale oo isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Amuud ee magaalada Boorama Prof Saleebaan Axmed Guuleed, kaas oo sheegay inuu u ducaynayo Wasiirka Maaliyada.
Intii Wasiirka maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan ay sodcaalka ku maraysay gobolka Awdal ayaa waxa ay deeq raashin ah u qaybisay dadka degaanka Tuli ee ka soo barakacay Abaaraha dalka ka jira, waxaanay halkaasi raashin gaadhsiiyeen dhawr boqol oo qoys, waxaana intii ay qaybtinta raashinkaasi ku gudo jireen Wasiirka maaliyada aad ugu mahadnaqay Sheekh Maxamed Daahir Dhawal oo ah guddoomiyaha guddida abaaraha gobolka Awdal.
Dhinaca kale Wasiirka Maaliyada Somaliland Marwo Samsam Cabdi Aadan markii ay ka soo laabatay socdaalka gobolka Awdal ee ay soo gaadhay gobolka Gabiley ayaa deeq isugu jirta hu’ iyo maacuunta cuntada lagu karsado waxa ay gaadhsiisay cusbitaalka magaalada Wajaale, kaas oo loogu talo galay dadka soo guurtada ah ee ka soo barakacay Abaarta gobolada Bariga ku dhufatay.
Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan oo deeqdan ay soo gaadhsiisay cusbitaalka Wajaale faahfaahin ka bixinaysa ayaa waxa ay tidhi “Dadka intii badnayd way ka kacday xanuunka shuban biyoodka ilaa saddex boqol oo qof ayaa cusbitaalkan Wajaale la soo dhigay, illaahay ayaa inagu gargaaray waayo Wajaale maaha dad meel qudha u xidhan ee waa meel Somaliland oo dhami isticmaasho, hadii xanuunkaasi (shuban biyoodku) Wajaale uu ka dilaaci lahaa waxa uu gaadhi lahaa ilaa Laascaanood ilaa halka ugu dambaysa ee Lawyacado.
Waxaanu bishan oo dhan u dulfadhinay ee aanu u ilaalinaynay in xanuunkaasi aanu inagu fidin illaahaybaana inagu guuleeyey, meelihii uu ka bilaabmayna sidii si leeg ayaynu u doonaynaa inaynu gacmaha isku qabsano oo aynu wax uga qabano. Waxaanu cusbitaalkan Wajaale ku wareejinaynaa in alaabtan leeg oo wuxuu leeyahay bustayaashan badh, mara-kaneecada cusbitaalkaa leh, weelkaa iyo bacahaa intiisa badana waxa leh dadka soo guurtada ah oo ay qaybin doonaan guddida abaaruhu. Waxaan si aad ah ugu mahadnaqayaa Save the Children Fun, oo ugu talo gashay deegaamadan Wajaale ku teedsan balse markii uu xanuunku ka dilaacay Boorama ayaanu badh ka qaadnay oo bustashaashii alaabtii kale aanu badh siinay intii kalena waanakan idiin keenay.”
Sidoo kale Maayarka magaalada Gabiley Maxamed-Aamiin Cumar Cabdi, Gudoomiyaha Magaalada Tog-wajaale Aadan Muuse Cilmi, Agaasimaha Guud ee Cisbitaalka Wajaale Dr Cumar Cabdi Guuleed iyo xubno ka mid ah guddida taakulaynta abaaraha ee Wajaale oo dhamaantoodna halkaasi ka hadlay ayaa ka mahadnaqay deeqdan la soo gaadhsiiyey.