Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka JSL, Mudane: C/laahi Abokor Cismaan ayaa maanta magaalada Hargeisa si rasmi ah ugu daah-furay wajiga labaad ee Kaadhka dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL Mashruuucan oo ay Wasaaradda Gaadiidka hore uga hirgalisey Gobolada maroodi-jeex iyo Saaxil ayaa maanta tababar loo furay dhamaan isuduwayaasha gobolada dalka iyada oo wixii maanta ka danbeeya Kaadhkan casriga ah ee Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL laga bixin doono dhamaan Gobolada JSL.
Wasiirka ayaa hadalkiisa ku bilaabay “Maanta aad baan ugu faraxsanahay in aynu isugu nimaadno kulankan ama tababarkan, runtii tababarkani laba ujeeddo ayuu xambaarsan yahay, ujeedada koowaad waa in la idinku tababaro system-kan technology-ga ah ee Wasaaraddu qaadatay, qodobka labaadna waa isbarasho maadaama oo aydun Wasaaradda ku cusub tihiin dhamaantiin, aad baan ugu faraxsanahay in aan idiin duro tababarkan”.
Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Laga bilaabo maanta marka aad tababarkan qaadataan wixii ka danbeeya Wasaaraddu waxa ay joojin doontaa in la isticmaalo buugii hore, waxa aynu isticmaali doonaa kaadhkaa oo inoo sahlaaya inaynu markiiba xogta ogaano…Sidaa awgeed waxa aan idiin iclaaminayaa in aan buugii hore loo isticmaali doonin mid cusub duplicate iyo kala wareejin. Kaadhadhkaa ayaynu isticmaali doonaa, faa’iidooyinka kaadhkani waxaa kamid ah marka aynu u baahano xog muddo ayay inagu qaadan jirtay laakiin imika waxa aydin ku qaadanaysaa wax ka yar sekan, inaad marka aad numberka galisaan heshaan xogta gaadhigaasi qofka leh , chessis number-kiisa, model-kiisa”
Sidoo kale waxa uu Wasiirku goobta uga mahadnaqay shirkadda GTS “Qodobka labaad ee an jecelahay maanta waxa weeyaan in aan u mahadnaqo shirkaddan GTS, runtii waxa ay inoo keentay innovation ama halabuur cusub ayay inoo keentay”
Sidoo kale waxa uu Wasiirku ku dheeraaday faa’iidada kaadhka ee amni iyo sida uu systemkani dowladda ugu fududayn doono cashuur ururinta gaadiidka.
Waxa kale oo halkaasi hadal ka jeediyey CEO-ga Shirkadda GTS Khalid Sheekh Muxumed Sheekh Yusuf “ Shirkadda GTS waa shirkad wadani ah isla markaana programs-ka ay samaysaa ka shaqeeyaan wadamo badi africa ku yaal, Shirkadda ahdaafteeda u mudan waxaa kamid ah soo bandhigida IT Solutions ka qaybqaadan kara kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha dalkeena JSL.
Maamumuluhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi” Mashruucan Kaadhka Dhaqdhaqaaqa Gaadiidka JSL ooh ore loogu guuleystay ka hirgalintiisa Gobolada Maroodi jeex iyo Saaxil ayaynu maantana u fadhinaa in aynu ku tababarno isuduweyaasha Wasaaradda Gaadiidka ee gobolada si looga bixiyo dhamaan gobolada dalka JSL”.