Wasiirka Daakhiliga & Da’yar reer Sool Ah Oo Is Hor-fadhiistay

0
22

Hargeysa(Hubaal)- Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed iyo Guddoomiyaha Gobolka Sool Cabdirashiid  Xuseen Cabdille (Gargaar) ayaa shalay kula kulmay  magaaladda Laascaanood dhallinyarada iyo aqoonyahanka gobolka Sool. Kulankan waxa kaloo ku weheliyay  Taliye ku xigeenka Ciidammada Booliska Somaliland Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) waxaanay  kala hadleen dhallinyaraddaasi sidii looga wada shaqayn lahaa ilaalinta nabadgelyadda iyo horumarka Gobolkaasi Sool. Waxa kale oo ay Wasiirka  Arrimaha Gudaha iyo Guddoomiyaha Sool dhalinyaradda iyo Aqoonyahanka ku boorriyeen sidii looga shaqayn lahaa nabadaynta Koonfurta Gobolkaasi Sool oo ay dhowaan dirir ku dhex martay Jufooyin walaalo ah oo halkaasi wada dega, kuwaas oo ay nabadayntooda ku hawlan yihiin wefti ballaadhan oo Gobolkaasi ku sugan oo ay weheliyaan Guddida Nabadaynta ee Gobollada Sool iyo Buuhoodle. Dhallinyarada iyo aqoonyahanka Gobolka Sool oo iyaguna geestooda ka hadlay shirkaas  ayaa balan-qaaday inay xukumadda kala shaqayn doonaan Nabadaynta labadaas ardaa  ee ku diriray  Koonfurta Gobolka Sool .

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here