Wasiirka Cusub Ee Wershadaha Oo Casuumad Lagu Midaysan Yahay U Sameeyey Waxgaradka Reer Gabiley

0
24

Hargeysa (Hubaal)- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Wershadaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Shucayb Maxamed Muuse, ayaa odayaasha iyo waxgarad ka soo kala jeeda degaannada kala duwan ee Gobolka Gabiley qado-sharaf ugu sameeyey hudheelka Maansoor ee magaalada Hargeysa maanta.

Martiqaadka Wasiir Shucayb fidiyey oo ahaa qado, ayaa lagu tilmaamay inuu ahaa kii ugu horreeyey taariikhda ee wasiir reer Gabiley ah u sameeyo waxgaradka iyo odayaasha degaannada kala duwan ee gobolkaas iyagoo midaysan oo aan ku kala qaybsanayn afkaaraha arrimaha siyaasadda ee dalka.

 shucayb (1)

Wasiirka Wershadaha Md. Shucayb Maxamed Muuse oo dhowaan ka soo dallacay xilka maayarnimada degmada Gabiley oo uu laba sanno iyo dheeraad hayey, ayaa ugu horreyn uga mahad-celiyey odayaasha iyo waxgaradka gobolkiisa sida ay u ajiibeen casuumadda uu u fidiyey, isagoo sheegay in ujeeddada martiqaadkiisu tahay abuurista jewi suurtogaliya in shacabka Gobolka Gabiley u midoobaan horumarinta danahooda iyo taageerada xisbul-xaakimka KULMIYE oo ay bud-dhig u ahaayeen guushii Madaxweyne Siilaanyo ka soo hooyey doorashadii madaxtooyada ee dalka ka qabsoontay sannadkii 2010.

Waxa kaloo wasiirku ka dalbay odayaasha iyo waxgaradka kala duwan ee qado-sharafta u sameeyey inay ka shaqeeyaan ilaalinta midnimada iyo wadajirka ummadda gobolkooda ku dhaqan, isla markaana ka digtoonaadaan tafaraaruq kaga yimaad siyaasadaha xisbiyada qaranka oo dhaawaci kara wadajirka iyo horumarka degaannadooda.

Qaar ka mid ah odayaasha casuumaddaas ka qaybgalay, ayaa iyaguna dhankooda uga mahad-celiyey wasiirka martiqaadka uu u sameeyey oo ay caddeeyeen inuu yahay kii ugu horreeyey noociisa ee wasiir gobolkooda ka soo jeedaa madal isugu keeno waxgarad ka kala socda dhammaan degaannada Gobolka Gabiley, iyagoo arrintaasna ku sifeeyey tallaabo taariikhi ah oo wax weyn ka tari doonta horumarka iyo midnimada shacabkooda.

Sidoo kale, waxgaradka iyo odayaasha ayaa dhammaantood ballanqaaday inay si buuxda ula shaqayn doonaan Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo ay ku tilmaameen masuul da’yar oo gartay tallaabo muhiim ah oo seegtay wasiirro badan oo gobolka u dhashay oo xilal ka soo qabtay xukuumadihii kala dambeeyey ee soo Jamhuuriyadda Somaliland oo madaxbannaanideeda haysatay 24 sannadood.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here