Wasiirka Ciyaaraha Oo Hadhimo Ku Maamuusay Goob-joogeyaal Caalami Ah Oo Qiimeynaya Doorashada Xidiidhka Kubbeda Cagta Somaliland

0
38

Goobjoogeyaashan Ayaa Xukuumaddu Ku Casuumtay Ka Qaybgalka Iyo Qiimetynta Qaabka Ay U Qabsoonto Doorashada   Xidhiiidhka Kubbeda Cagta Somaliland Oo Maanta Qabsoomaysa

 goobjoogeyaasha ciyaaraha

Hargeysa (Hubaal) -Wasiirka wasaaradda dhallinayarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa casuumad qado sharaf ah ku qaabiley xubno ka socda wasaaradda dhallinta iyo ciyaaraha waddanka Jabuuti iyo sidoo kale xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti, kuwaas oo goob joogayaal ka noqon doona qaabka ay u dhaceyso doorashadda kubadda cagta Somaliland. Munaasibadda qado ah oo  shalay lagu  qabtay Hotel Maansoor ee magaaladda Hargeisa, ayaa  waxaa  ka soo qeyb-galay Wasiir ku-xigeenka wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin, Agaasimaha guud ee wasaaradda Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, Agaasimaha waaxda ciyaaraha ee Wasaaradda Mr. Maxamed Nuux Jibriil, Afhayeenka Wasaaradda Mr. Samatar Maxamed Cabdilaahi iyo Isu-duwayaasha gobollada doorashada xidhiidhada ka qeyb-galaya. Ugu horeyn, waxaa halkaasi ka hadlay Agaasimaha guud ee wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha Md. Maxamed Xuseen Dhabeeye, waxaana uu ka war-bixiyey qado sharaftan uu wasiirka ciyaaruhu u sameeyay xubnaha ka socda dalka Jabuuti ee goob joogayaasha ka noqon doona doorashooyinka xidhiidhada kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud iyo sidoo kale Isu-duwayaasha gobollada Somaliland ee wasaaradda. “Maaha markii koowaad ee Jahmhuuriyadda Jabuuti xidhiidhkooda kubadda cagtu uu halkan inoogu yimid, ee uu inala sameeyay gacan saar, una maleyn maayo inay noqon doonto runtii tii u dambeysay, waxaan rajo weyn ka qabnaa inaan sameyno is-kaashi hore u billowday oo imikana aynu rabno inaynu sii xoojino. Waxaa kale oo iyana aan doonaya inaan eray ka yidhaahdo waxaa berrito dhici doonta iyo maalmaha soo socdaba doorashooyin ku saabsan xidhiidhada kala duwan, oo xidhiidhka kubadda cagtu ay dooran doonaan hogaankoodii iyo xidhiidhka ciyaaraha fudud, kuwa kalena Insha Allaahu ay ku xiggi doonaan” “Farxad weyn bay noo tahay ka wasaarad ahaan inaan arrintaa [xidhiidhada ciyaaraha] muddo dheer ka soo shaqeynaynay, tacab baddan gelinay, dedaal baddan ka sameynay, ujeedaduna ahayd runtii inaanu xidhiidhadaa dhisno, hoosta ka soo qaadno, sharcigii iyo nidaamkii aymuddo dheer ku shaqeynayay aanu dejinay, aad baan u amaanaya runtii dadkii hawshaas gacanta ka geystay” ayuu yidhi Agaasime Dhabeeye. Mr. Maxamed Cumar Iid oo ah Madaxa farsamadda xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti oo halkaasi ka hadlay ayaa ka mahad-celiyay sida wanaagsan ee wasaaradda ciyaaraha Somaliland ay u qaabileen, waxaana uu ka waramay xidhiidhka ka dhaxeeya wasaaradda ciyaaraha ee dalka Jabuuti iyo wasaaradda ciyaaraha Somaliland, waxaana hadaladiisi ka mid ahaa “Annigo ku hadlaya magacayga, magaca wasiirka ciyaaraha Jabuuti, magaca guddoomiyaha xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti, oo ii soo dhiibay qalab ciyaareed oo ay ugu tallo-galeen inaan ku caawino wasaaradda ciyaaraha Somaliland iyo xidhiidhada ciyaaraha. Waxaan sidoo kale u nimid inaanu goob joog ka noqono qaabka iyo hanaanka ay u qabsoomayaan doorashooyinka lagu dooranayo hogaanadda xidhiidhada kubadda cagta iyo ciyaaraha fudud”. Wasiir ku-xigeenka wasaaradda ciyaaraha Somaliland Md. Cabdirashiid Ismaaciil Kaahin iyo mid ka mid ah Isu-duwayaasha wasaaradda ee gobolada dalka oo iyaguna halkaasi ka hadlay, ayaa dalka Jabuuti uga mahad-celiyay sida muuqata ee ay dhanka ciyaaraha ula garab taagan yihiin taageerada, waxaanay hoosta ka xariiqeen inay ka rajeynayaan inaanay intaas ku joogsan doonin tababarada iyo agabyada ciyaaraha ee ay ka caawiyaan.  Ugu dambeyntii, Wasiirka wasaaradda dhallinayarada, ciyaaraha iyo dalxiiska Somaliland Md. Cabdilaahi Faarax Maydhane ayaa halkaasi ka hadlay, waxaana uu xusay xidhiidhka wanaagsan ee ka dhaxeeya wasaaradda ciyaaraha iyo xidhiidhada kala ciyaaraha ee dalka Jabuuti, isagoo sidoo kale ku amaanay doorka muuqda ee ay xidhiidhka kubadda cagta Jabuuti ay tababarada aqoon korodhsiga ah u siiyaan xidhiidhka kubadda cagta Somaliland. Wasiir Maydhane ayaa dhanka kale uga mahad-celiyay wasiirka ciyaaraha Jabuuti iyo xidhiidhka kubadda cagta agabka qalabka ciyaaraha ah ee ay ugu soo deeqeen, waxaana uu hoosta ka xariiqay in xidhiidhka labadooda wasaradood uu noqon doono mid marba marka ka dambeeya intaasi ka sii horumara.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here