Hargaysa(Hubaal)-Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis ayaa markii ugu horaysay cadeeyey inay beesha caalamka si toos ah ugala haldeen burburkii ku yimid wada hadaladii u scoday
wadadmada Somaliland iyo Somalia oo bishan horaanteedii ka qabsoomi lahaa dalka Turkiga.
Wasiirka ayaa ayaa sheegay inay beesha caalamka u cadeeyeen sababta ay wadahadaldu u burbureen, isagoo arrimahaas ka halaya waxaa hadaladiisii ka mid ahaa”Safaaraddaha faraha badan ee aanu aragnay waxaanu kala hadalnay siday wax u dhaceen, waxaanu u sheegnay sababta aanu u diidnay inaanu shirka ka qayb galo, si aan war khaldan loo siin ayaanu warka saxda ah u siinay” .
Wasiirku waxa uu sidoo kale sheegay sid ay beesha caalamku uga gaarabtay markii ay dhagaysteen sababta rasmiga ah ee ay Somaliland shirkaas uga baxday”Aad iyo aad bay noogu garaabeen. Waxaanu u sheegnay inaanu hore uga afeef dhiganay inaanay Somalia ku soo darin dad Somaliland ka soo jeeda shirarka labada dhinac ka socda, sidaas awgeedna aanu u diidnay, markaas dadkii Safaaraddihii badnaa ee aanu la kulanay waanu ku qancinay in waxaas aanu ku kacnay wax sax ah ahayd, waanay noo garaabeen” ayuu yidhi Wasiirku.
Ugu Dambayn Wasiirka ayaa sharraxay codsi ay u direen dawladaha jaarka iyo dawladaha kale ee caalamka kaasoo ku saabsana sida ugu haboon ee loo kala guran karo iyadoo aanay wax xumaan ahi dhicin waxaana uu ydihi”Waxaanu caalamka ka codsanay in la iskugu kaayo yimaado, in nala dhex galo oo dhexdhexaadini dhacdo, oo aanu u kala ambabaxno si wanaagsan oo walaaltinimo ah. Markaas anagu waxaanu jecel nahay in waddamadii badnaa ee hore wada hadalka uga soo qayb qaatay iyo kuwa geeska Africa soo dhex galaan arrintan, waxaanan aaminsan nahay in haddaan nala dhex galin arrimo ka xumi dhici doonaan, kolkaas waxaanu dalbanaynaa in sida ugu dhakhsaha badan Caalamku ugu arko inay muhiim tahay inaanu kala ambabaxno”
Wada Xaajoodyada labada dhinaca ayaa bur-buray ka dib markii ay dawladda Somalia waftigeeda ku soo dartay xubno ka soo jeeda Somaliland balse camaalaq ahaan loogu soo daray shirka looguna talo galay marmarsiinyo lagu burburiyo wadahadalada, illaa haddana lama oga wakhtiga ay dib ubilaamin doonaan iyo inay sidaas ku dhamaan doonaa.