Waxaanu Xusaynaa In Aanay Miisaaniyadu Nagu Filnayn Oo Aanay Dhibic Kaga Dhacayn Hawsha Noo Taala
Hargeysa(Hubaal)-Wasiirka deegaanka Somaliland Shuri Xaaji Bandare, ayaa sheegtay in aan wasaaradaas miisaaniyada logu talo galay sanadkii inay ku shaqaysaa aanay hawlaheeda bil ku filnayan.
Wasiir Shukri waxa ay sheegtay in hawlagalada lagu ilaalinaayo deegaanka dalku uu u baahan yahay dhaqaale badan, isla markaasna aanay miisaaniyada ay dawladu u qoondaysay aanay dhibic kaga dhacayn hawlaha hor yaala. Iyada oo niyadsami ka muujisay in miisaaniyada ay ku hawlgalaan dib loo eegi doono. Waxa ay sidan ku sheegtay wasiirka deegaanka Shurki Xaaji Bandare barnaamijka milicsiga siyaasiga ee UNIVERSALTV, waxaan iyada oo arimahan ka hadlaysay ay tidhi wasiiradu“Miisaaniyada qaybta nagaga soo hagaagtay aad iyo aad ayay u yartahay oo qaybta nagaga soo hagaagta bil laguma shaqayn karaayo, hadaanu nidhaahno Somaliland ayaanu wax ka qabanaynaa bil laguma shaqayn karo, sababta ayaan kuu sheegayaa meel hadaad hawl ka wado waa inaad shaqaynaysaa oo boholii xidhaysaa, waa inaad buurihii eegaysaa, waa in cagafyadii aad haysataa oo meel walba aad taagan tahay, waxaanu xusaynaa in aanay miisaaniyadu nagu filnayan oo aanay dhibic kaga dhacayn hawsha noo taala, Hargeysa oo kaliyaata gobalkeedu inta jeer ee ay shaqaalaheedu u baxaan bishii hawlgal,hadii ay shan jeer baxaan, waxa la doonayaa shidaalkii, askartii raacaysay iyo shaqaaliiba waxay intaasiba u baahan yihiin dhaqaalaheedii oo aan noogu jirin miisaaniyada, anagu wasaarad ahaana hada waxaanu noqonay garsoor,boolis, ilaaliye iyo cilmigii oo dadku ku soo hiranayaan odayaashu markay halkaas kuugu yimaadaan mid kasta cabashadiisa ayaad ka dhagaysanaysaa, shan daqiiqo ayaad ka jawaabaysaa oo aad odhanaysaa halkaas waxaas ayaa ka jiree gaadha, waana shaqadayadii oo waanu ku qanacsanahay.