Wasiirada Aqoonta Leh Ee Uu Soo Xusho Madaxweynaheenu Waa Furaha Horumarkeena.W/Q:Nimco Nuur

0
26

Tan iyo markii aynu dooranay xukuumada madaxweyne axmed maxamed maxamuud siilaanyo, waxaa uu kor u qaaday sharafta iyo tayada shaqada dawlada, taasna waxa saldhig u ah masuuliyiinta uu soo xushay madaxweynuhu oo uu inta badan ku soo qaato aqoon iyo firfircooni, hadaynu dib u fiirino xukuumadii ugu horaysay ee uu soo dhisay madaxweyne siilanyo, masuuliyiintii iyo wasiiradii uu magacaabay waxa ay ahaayeen dhamaantood, masuuliyiin lagu soo xulay aqoon iyo waayo aragnimo, taasna cadayn waxa u ah dardartii ay galiyeen markiiba hawlaha dawlada iyo talaabooyinkii horusocodka ahaa ee ay qaadeen, ilaa markaas iyo wixii ka danbeeyeyba madaxweynuhu markasta oo uu isku shaandhayn samaynayo, masuuliyiin cusubna magacaabayo waxaa ka dhex muqda shakhsiyaad aqoon sare leh iyo kuwo karti ku sifaysan, arinkaasina markhaati cad waxa uu u yahay, xulashada wanaagsan e madaxweyne siilanyo, iyo sida uu u rabo in la gaadho guulo muhiima,masuuliyiinta aqoonta sare lagu soo xulay, qayb wayn ayey ka qaateen horumarka dalka guud ahaan, waana ay wanaajisay maamul wanaaga,sida oo kale waxa lagu timaami karaa inay yihiin furaha guusha iyo horumarka, guntii iyo gabagabadii aad baan ugu bogaadinaya axmed siilaanyo xulashada wanaagsan ee masuuliyiinta uu xilalka qaran u dhiibayo.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here