Wasiir Warancadde Oo Sheegay Inuu Hirgalay Go’aankii Cuqaasha Ee Mag La’aanta Dambiilaha

0
37

Hargeysa, (Hubaal)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Cali Maxamed Warancadde, ayaa sheegay in la hirgaliyay go’aankii Wasaaradda daakhiliga iyo Madaxdhaqameedku isla qaateen ee ahaa inaan ciddii gacanta Booliska ku baxda mag la iska waydiin, isla markaana wuxuu sheegay in dhawr dhacdo oo arrinta lagu fuliyay ciidanka aan waxba laga waydiin.

warancadeWasiirku wuxuu sidaa ka sheegay munaasibad wasiir ku-xigeenada wasaaradda daakhiligu xilka kula wareegayeen, waxaanu bulshada uga digay inay nafahooda iyo Booliska kala ilaaliyaan islamarkaana ku faro adaygaan amaanka dalka“Haddaynu nahay madaxdhaqameed iyo haween, haddaynu nahay dhalinyaro iyo waayeel iyo dawlad iyo shacab nabadgalyadu, waa waxa dadaalka ugu badan la galiyay ee aynu dhamaanteen hareeraha ka taagannahay. Waxaan halkan uga mahadcelinayaa cuqaasha iyo Salaadiinta oo runtii si toos ah noogala shaqeeya nabad galyada.Waxa kale oo aan jeclahay inaan uga mahadceliyo madax iyo mijaba siday bulshada Somaliland ugu heelan yihiin nabad galyada dalkooda.”Ayuu yidhi Wasiir Warancadde.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Wasaaradda waxaa ka go’an, kadib markay madaxda bulshada la tashatay inay nabadgalyadu tahay wax lagu faro adaygo. Waxaa aanu go’aaminay, in darajo kasta oo uu leeyahay cidkasta oo nabad galyada ka hor timaada ama khalkhal amniga galinaysa inaanu gacan bir ah wax kaga qabanno. Waxa kale oo aanu go’aaminay in ciidamada amaanka iyagoo fulinaya nabad galyada iyo xassiloonida cid kasta oo hub kala hor yimaada wixii khasaare naf iyo maalba soo gaadha qofkaasi masuul ka yahay, wax Masuuliyad ah oo qaranka ka saarana aanay jirin.”

Wasiir Cali Maxamed Warancadde, waxa uu sheegay in heshiiska Madaxdhaqameedka iyo Xukumadda ee ah inaan waxba la iska waydiin cidii gacanta Booliska ku baxda wakhtiga hawlgalada amniga lagu jiro ay dhaceen dhawr shaqaaqo oo heshiiskaasi lagu fuliyay waxbana aan ciidanka loo raacin “Shaqaaqooyin dhawr ahi way dhaceen intii aanu arrintaas ku adkaysanay ama Bulshada kala tashanay, dhawr arrimood baa dhacay sideediibaanay u fuleen waanan uga mahadcelinayaa Cuqaashu sidii ay noola qaateen.Qofku hadduu ogaado inaan lagu gargaarayn xaq darrada, cidna aanu u lahayn, Qabiilna aanu u lahayn gardarada iyo fidmada, qofku wuu xisaabtamayaa, laakiin, qofku markuu ogyahay in hadduu wax sameeyo Tol xun u yeelanayo, oo caaqil xun u yeelanayo, inuu Suldaan xun u yeelanayo, inuu Wasiir xun u yeelanayo markuu ogyahay naftiisu waxay u sheegaysaa inuu ku socdo khaladaadka iyo waxyaabaha dalkan halis galin karaya.Sidaa darteed, maanta waxaan leeyahay Ninka dambiilaha ahi ehel ma leh, Wasiir difaaca ma leh, Suldaan difaaca ma leh, Caaqil yidhaahda anaa u oday ah ma leh, Dhamaantayo gees baanu ka soo wada jeednaa, markaa waxaanu leenahay naftaada ilaali dambiilow” ayuu yidhi Wasiirku.

Hogaanka dhaqanka, ayaa Bilihii la soo dhaafay laga saxeexay inaan Ciidamada mag laga waydiin Cidda Ciidanka iska caabin kala hor timaada wakhtiyada hawl galada ay ku jiraan, xilligaasi oo Boolisku ku guda jiray suggidda Amniga iyo qabqabashada Dhalinyaro Magaalooyinka waaweyn rabshay siiba Caasimada Hargeysa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here