Hargeysa (Hubaal) – Wasiirka wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland ayaa dirqi kaga badbaaday rasaas lagaga soo riday daaqadaha mid ka mid ah dabaqyada qabyada ah ee Theatre-ka Hargeysa oo maleeshiyo uu hogaaminayo Suldaan Habaar galabta Xoog ku qabsatay,islamarkaana ay lawada wareegeen guud ahaan dhismihii uu Ganacsade Cumar Caydiid uu ka taagay.
Sida ay noo xaqiijiyeen dad meherado ku haystay theatreka Hargeysa oo shaqaaqo ka taagan tahay ayaa waxa ay noo sheegeen in wasiir warancade dirqi kaga badbaaday rasaas dhawr midh ah oo ay la soo eegteen ciidanka maleeshiyada ah ee Suldaan Habaar oo sida la sheegay xoog ku qabsaday gurigii Theatreka Hargeysa ee lagu wareejiyay Ganacsade Cumar Caydiid,waxaana la sheegay in wasiirkii markii rasaasta lagu soo riday aanu sidaa uga fogayn dhismaha islamarkaana uu isku halayn uu ka qabo maleeshiyad oo jufadiisa ah uu aad ugu dhawaaday xayndaabka dhismahaasi.
Wasiir warancade ayaa cagaha wax ka dayay orod gurguurad ah waxaanu raacay gidaarka isagoo markii dambe lagula cararay gaadhiisa khaaska ah oo taagnaa wadada dhakhtarka jajabaka agtiisa.sida la sheegay waxa wasiirka u qaylo yimid oo kaxaystay Ninka Ganacsadaha ee theatre-ka dhistay ee lagu magacaabo Cumar Caydiid ee maleeshiyad Suldaan Habaar maanta casarkii ka qabsatay guud ahaan dhismaha Theatreka waxaana isaga iyo Wasiir warancade oo wada socdaa ay fiidkii gaadheen goobtaasi wasiirka lagu rasaaseeyey iyadoo markii dambe ay ciidanka bilaysku rasaas goos goos ah ku rideen maleeshiyadaasi oo daaqadaha wax ka soo rasaasaynaysay.
Dadkii shacabka ahaa ee ku soo xoomay theatreka ee meheradaha ku aghaystay ayaa noo xaqiijiyay in maleeshiyo aad u hubaysan oo suldan Habaar ka amar qaadanaysaa ay ku xerootay dhismaha theatreka Hargeysa islamarkaana waxa sheegeen inaanay suurta gal ahayn in si dhib yar laga saari karo. Dhinaca kale Cumar caydiid ayaa ciidan maleeshiyo ah doontay oo beeshooda waxaana laga dhursugayaa inay maleeshiyo laba beelood ahi Hargeysa markii ugu Horaysay Hargeysa isku dhex hirdido.
source:baarcadeeye