W/Q: Yuusuf Saalax Cawad .
Wasiirka wasaarada deeganka iyo horumarinta Somaliland Shugri Xaaji Baandare ayaa ka mid noqotay wasiiradii ugu wax qabadka badanaa xukuumada madaxweyne Siilanyo . Marwo Shuguri Xaaji Baandare waxaa ay ka hor intii aan loo magacaabin wasiirka wasaarda deeganka ay gudoomiye ka aheyd haayada Candia light halkaas oo ay gaadhsiisay heerki ugu sareeyey dhinacyada waxbarshada iyo deeganka isla markaana waxaa ay ku soo xidhay haayado caalami ah kuna muteysatay in la gudoonsiiyo bilad caalami ah . intaas kuma koobana wax qabadka wasiir shuguri Baandare waxaa kale oo ay ka mid noqotey kominshankii ugu horeeyey ee Somaliland kaas oo dalka ka hirgaliyey doorashooyinkii kala duwaana ee madaxtooyada, Baarlamaanka iyo golaha degaanka isla markaana wakhtigaas la odhan karaayey waxaa ay ka mid aheyd xubnihii ugu fir fircoona . Sidoo kale Marwo Shugri Baandare halkaas kumay joojin dadaalkeedi ka dib markii uu maxweyne Siilanyo Saddex sanno ka hor u magacabay wasiirka wasaarada deeganka wasaardaas oo wakhtigaasi lagu tilmaami karaayey in ay aheyd kuwa ugu hoosaya ayaa waxaa ay ka dhigtay mid la tartanta wasaardaha ugu sareeya iyada oo tobabaro u furtey shaqaalaha wasaaradaasi isla markaana kor u qaaday aqoontooda kuna soo xidhay haayado caalami ah oo wasarda hada ay leeyihiin wada shaqeyn wanaagsan. Waxqabad kaasi aanu kor ku soo sheegnay waxaa isna dhinaciisa la bar bar taagana shaqo iyo karti badan agaasimaha guud ee wasaradaasi Eng Maxamed Cilmi Xussen o aanay la,aantii waxba u suurto galeen. Maanta Wasaarada Deeganku waxaa ay mareysaa heerkii ugu sareeyey waxaaana ay noqotey mid la jaan qaada lana tartanta wasaaradihii markii hore ka horeeyey waxaana ay wasiir Shugri Baandare lugu tilmaaman karaa waslad dahab ah oo Somaliland leedahay .
W/Q : Yuusuf Saalax Cawad
Cabdiraxiim0088@gmail.com