“……[Wasiir Shucayb] Belaayo Ilaahay Soo Dhaafiyey Gabiley Ayuu Ahaa Maayirka La Magacaabay” Xildhibaan Bashiir Tukaale

0
32

 

Hargeysa (Hubaal)-Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo ka Tirsan  mudaneyaasha Golaha Wakiilada Somaliland, ka hadlay maayirka degmada Gabiley ee loo magacaabay Wasiirka Wershadaha Somaliland, kaas oo uu ku tilmaamay balaayo ILAAHAY soo dhaafiyey reer Gabiley.
Xildhibaan Bashiir Tukaale oo shalay warbaahinta kula hadlay Magaaladda Hargeysa, ayaa waxa uu sidoo kale ka hadlay masuuliyiinta iska casilay xukuumadda, kuwaas oo uu sheegay in soo baabi’inayaan Xisbiga Kulmiye, ka dibna ay ku  biiri doonaan Xisbiga Waddani oo ay u kala xulan doonaan sida ay u kala muhiimsan yihiin.
Xildhibaan Bashiir Sheekh Xuseen Tukaale oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi  “Waan maqlay in wasiir loo magacaabay maayarkii gabiilay, barigii horena riyaale ayaa meel uu ka soo helay mooyaane soo helay, toban cisha ayuu magacwnaa oo kuwii is casilay ee meel dhabarka laga taabtay ayuu ahaa, maantana dawlada sii dhacaysa oo wakhtigeedii dhamaaday ayaa loo magacaabay wasiir, gabiilayna balaayo ilaahay soo dhaafiyay ayuu ahaa, reer gabiilay way nasiib badan yihiin,dalkiina waad arkaysaan waa saqdii dhex ayuunbaa la soo saarayaa digreeto,anaguna mucaarad ahaan waanu nasanay oo qalinka uu kor u qaado madaxwayne siilaanyo anag ayuu wax nootarayaa oo waanu nasanay oo waanu u mahad naqaynaa odayga”
Xildhibaan Bashiir Tukaale waxa uu sheegay in ay kala xulan doonaan xubnaha xukuumadda iska casilay xisbiga waddani ahaan, waxaanuu yidhi  “Walaahi hortu ragan waanu naqaysanaynaa oo ciddii aanu u aragno in ay xisbiga wax u tarayso waanu qaadan doonaa, kii aanan wax tar u arkina qaadan mayno, Masuuliyiinta is casilay  kulmiye marka ay soo baabiiyaan  ayey go’aan kooda qaadan doonaan hadii alle yidhaahdo” ayuu yidhi xildhibaan Bashiir Tukaale

Bashiir

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here