Wasiir Samaale waxa uu afkiisa inay ka soo baxdo ka ilaaliyay in cida u magacawday xilka cusub ee uu iska casilay aanay madaxweynaha ahayn!

0
43

shakiga shuftada madaxtooyada ee talao kafara-moojinta madaxweynaha + sakasha hadalkii wasiir Samaale saafay

Sida laga warqabo waxa maalintii Sabti aqalka madaxtooyada Somaliland ka soo baxday liis isku shaandheyn ah oo madaxweyne Siilaanyo xukuumaddiisa ku sameeyay,kaas oo xilalkii ay hayeen in badan lagaga xayuubiyay halka kuwo kale laysku bedelay kuwo cusubna la keenay,hadaba wasiirkii maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale ayaa isku shaandheyntan lagaga qaaday xilkii wasaaradda maaliyada isla markaana loo magacaabay xilka cusub ee wasiirka wasaarada waxbarashada halka wasiir Samsam oo ahayd wasiirka wasaarada waxbarashadana laga dhigay ama lagu bedelay wasaarada maaliyada.

wasiir samaaleIntaa ka dib ayaa waxa dhacday in wasiir Samaale uu ganafka ku dhufto xilkaas loo magacaabay ee wasaarada waxbarashada isla markaana is-casilaad ka dhan ah xilka cusub uu u qorayo madaxweynaha,ka dib wareysi ay idaacada BBC-du la yeelatay maanta ayaa wasiir Samaale waxa uu kaga hadlay waxyaabaha keenay inuu iska casilo xilka cusub ee digreeto madaxweyne loogu magacaabay

Wasiir samaale waxa uu afkiisa ka ilaaliyay inuu yidhaahdo madaxweynuhu ma ogeyn oo kama warqabin isku shaandheynta xukuumadda gaar ahaan wasiirnimada wasaaradda maaliyada lagaga qaaday ee loo bedelay wasaaradda waxbarashada,wasiirku waxa kale oo uu afkiisa kala warwareegay marwada madaxweynaha iyo xubno madaxtooyada haysta inay sameeyeen qorshaha isku shaandheynta ee isaga lagu bedelay.

wasiir samaale waxa uu sheegay inay Madaweyne Siilaanyo isu wanaagsanaayeen isla markaana uu madaxweynuhu ogaa waa sida uu wasiir Samaale sheegaye safarkii uu ugu maqnaa gobolada Bariga oo ay wasiir Xirsi israaceen oo runtii laga dhadhansanayay inuu garabkiisa ahaa isla markaana uu si dadban u sheegay inay kooxdan isku shaandheynta qortay ee uu afkiisa kala war-wareegay wasiir Samaale inuu magacaabo  ay arrinta ka shaqeeyeen oo ay sidan iyagu wax u dhigeen,dhanka kalena uu madaxweynu ogaa sida uu sheegay Samaale soo laabadkiisa,taas oo Samaale uu ka dhawaajiyay inay isaga iyo madaxweynuhu wada hadlayeen habeenimadkii intii aanay soo bixin isku shaandheynta lagaga bedelay wasaaraddii maaliyada.

Wasiir Samaale waxa uu ka sheegay BBC-da oo wareysatay inaanu ku qanacsanayn xilka wasaaradda waxbarashada ee loo bedelay,isagoo ku sababeeyay inaan lagala tashan oon wax laga weydiin.

Waxa hadaba muuqata marka uu wasiir samaale hadalkaas leeyahay in cid kale oo aan madaxweynaha ahayni ay sidan sameysay,oo Samaale uu afkiisa kala meeraystay inuu si toos ah u sheego,balse si dadban oo dadkii dhageysanay fahmi karaan wax u sheegay,maadaama,kol haday sidaa wax u dhaceen aanu madaxweynuhu odhan karayn ama ku raaceyn hadalka uu wasiir Samaale afkiisa ka ilaaliyay ee ah inaanu madaxweynuhu arrinta wax kala socon,oo ay tahay arrin qaranka khalkhal gelinaysa haddii uu madaxweynuhu ku qanciyo wasiirka inaanu la socon bedelaadiisa.

Dhanka kale waxa jirtay oo afkiisa laga dhadhansaday wasiir Samaale inay jirto in madaxweynuhu aanu sida dhabta ah ula socon markii la qorayay warqada liiska ee isku shaandheynta,sidoo kalena hadalkiisa laga fahmayay inuu isagu ogyahay ka Samaale ahaan ama si toos u garanayo cida liiskan ka shaqeysay ee qortay,balse uu karaamada iyo sharafta madaxweynaha ilaalinayay sidaa daraadeedna keentay inuu afkiisa ka ilaaliyo inay si toos ah uga soo baxdo cida xilka wasiirnimo ee maaliyada ka bedeshay inaanay madaxweynaha ahayn.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here