Laascaanood(Hubaal)-Wasiirka Maaliyada Somaliland Cabdicasiis Maxamed Samaale oo ay weheliyaan saraakiil ka socda wasaaradiisa, ayaa booqasho ku tegay Gobolka Sool. Weftiga Wasaarada maaliyada ayaa maanta gaadhay Magaallo-madaxda Gobolka Sool, halkaasoo saraakiisha dawlada ee heer Gobol ku soo dhaweeyeen.
Wasiirka Maaliyada oo ka hadlayay ujeedada Socdaalkiisa Gobollada Bari, ayaa daboolka ka qaaday inuu u kuur-geliyo nidaamka shaqo ee Hay’addaha Dakhli uruurinta, gaar ahaan Kastamada Cashuuraha lagu qaado iyo xarumaha Cashuuraha Beriga.
waxaana Magaalada Laascaanood ku yaalla Kastamka ugu baaleeya Gobollada ee ay somaliland Cashuurta ku qaado, halkaasoo inta badan laga soo geliyo Badeecado Ganacsi iyo Gaadiid lagala soo dego Dekeda Boosaaso, kuwaasoo sifo tuugo ah lagu soo cashuurro, iyadoo qaarkood dalka lagu soo geliyo Taariko Gaadiid hore dalka loogu wadan jiray, isla markaana cashuur aad u hooaysa lagaga qaado kastamka Laascaanood.
Sidoo kale, Wasiir Samaale, wuxuu sii maray Magaalada Caynabo oo uu ku yaallo kastam Dawladda Siilaanyo aad u curyaamisay, balse waagii hore aad u shaqeyn jiray. waxa kale oo shalay Cabdicasiis Samaale kormeeray Kastamada Magaalada Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil.
Waa Markii u horaysay ee uu Wasiirka Maaliyadu booqdo Gobolka Sool xarumihiisa dakhli soo saarka intii uu Wasiirka ahaa. waxaana safarkiisu ku soo beegmay iyadoo ay dawladdu dhawaan ku dhawaaqday in dib u habayn lagu samayn doono nidaamka Cashuuraha dalka loo qaado.
source:gobanimonews