Hargeysa(Hubaal) -Wasiirka wasaaradda Qorshaynta Qaranka, Dr Sacad Cali Shire, ayaa jawaab ka bixiyay Weedho xanaf leh oo Hay’ad horumarinta u qaabilsan Denmark Somaliland ku sifaysay, isagoo sidoo kalena ka hadlay arrinta Jaamacadda Hargeysa.
Hay’adda Danida, ayaa shaqo la taliye ah oo ay wasaaradda Qorshaynta u shaqaalaysiinaysay waxay shuruudaha ka dhigtay in Somaliland tahay meel heerkii ugu sareeyay ay tahay khatarta Argagixisadu, sidoo kalena afduub ay qofka ka shaqaynaya kula kici karaan maleeshiyo hubaysan, wasiirka oo arrintaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Waan Arkay, waan soo saaray(Shaqada ay Xayaysiinayeen) waxaanan kala hadlay safiirka u fadhiya dalka Kenya, Si gaar ahna email waan ugu diray waxaanan kala hadlay in la saxo ama laga saaro warkaas ay ku sheegeen somaliland.”
Dhanka kalena Wasiirku waxa uu ka hadlay Jaamacadda Hargeysa ee uu Guddideeda sare ka madaxda yahay oo khilaaf dhanka maamulka ahi ka taagan yahay “waxaanu samaynay afar guddi si sharciyada dib loogu noqdo kuwaas oo kala ah Sharciyada dhaqaalaha, kuwa akaadamiyadda iyo kuwa maamulka intaas oo dhan,wiigan gudihiisa ayaanu shir iskugu soo noqonaynaa sidii aanu shuruucda jaamacadda meel iskula dhigi lahayn sharci lagu dhaqmana ugu samayn lahayn,hamigayagu waxa uu yahay in ay jaamacadu noqotu jaamacad tayo leh oo caalamka laga ictiraafsan yahay oo jaamacaddaha ugu wanaagsan geeska africana noqota” ayuu yidhi Wasiirku
Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa sidoo kale ka jawaabay warar sheegayay in Guddida sare ee Jaamacaddu kooram la’aan u fadhiisan wayday “Runtii arrimahaas waxba kama jiraan gudidu runtii markii hore waxa ay ahayd sagaal,Laba qof ayaa naga baxay hada waxaanu ku joognaa todoba labadaas baxayna waxaanu ku talo jirnaa inaanu buuxino,markaas wax afar Qof oo kooram ah aanu go’aan ku gaadhno maba jiraan,gudiduna runtii bishii mar ayay fadhiistaan go’aan kaligayba Magaadhi Karo wax iga-fulaana waxba majiraan ee waa go’aan loo dhan yahay ayaanu gaadhnaa waana arin guddi.”
Wasiirka Qorshaynta ayaa sheegay in Jaamacadda heerkeeda kor loo soo qaaday muddooyinkii ud ambeeyay “Jaamacaddu horumar balaadhan ayay samaysay sadexdii sanno ee ugu danbeeyay,halkii ay joogtay markii hore iyo halka ay maanta joogto aad ayay u kala fog yihiin,haday noqoto dhinaca maamulka, dhinac ardayda,dabcan tabasho way iska jirtaa,meel tabasho la’ina majirto laakiin, annaga waajibka nasaarani waxa weeyaan sidaanu u sixi lahay una waanajin lahayn jaamacadda.”
Jaamacadda Hargeysa, ayaa muran soo noqnoqday ragaadiyay hogaankeeda, iyadoo dhawaan gudoomiyaha iyo ku xigeenkiisuba iscasileen sidoo kalena shaqada laga joojiyay laba dhiin oo jaamacadda ka mid ah.
source:ramaas