Wasiir Qabo Oo Guul-wadayntu Gayeysiisay Inuu Odayaal Beeshiisa Ah Ku Kallifo Ammaanta Saldhigga

0
205

Mudane Qabo Oo isaga Oo Hilmaamsan Weedhihii Deelqaafka ahaa Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo Ku Gani Jirey Xiligii Ururkii Xaqsoor, Haatan La Jibbaysan taageerada Madaxtooyada

qabo

Hargeysa:(Hubaal)-Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Md. Maxamed Ibraahi Qabyo, ayaa noqday wasiirkii ugu horreeyey eek u dhiirrada inuu odayaal beeshiisa ku abtirsada ku dirqiyo inay ammaan iyo soo dhaweyn ku qaabilaan saldhigga militeri ee Imaaraadku doonayo inuu ka binaysto madaarka Berbera.

Wasiirku waxa uu maalintii shalay soo ururiyey xubno odayaal iyo madax-dhaqameed iskugu jira, waxana uu usoo laqimay inay saldhiggaa ammaanaan, balse muujiyey inaanay wax macluumaad ah ka haysanin rabitaanka Imaaraadka ee buqcaddaas, waxase ay warbaahinta ka sheegeen erayo loo soo laqimay oo ay xukuumadda ku dhiirrigelinayaan inay hawshooda wataan.

Odayaasha iyo madax-dhaqameedka kasoo jeeda gobolka Hawd iyo degmada Azmed-dhagax, ayaa si isku mid ah u sheegay inay la dhacsan yihiin dhaqdhaqaaqa

xukuumaddu dabada ka riixayso ee lagu doonayo in saldhiggaas la wareejiyo, waxana ay dhaleeceeyeen cidkasta oo aragti ahaan saldhigaas kasoo horjeedda.

Wasiirka qorshaynta oo isagu mashruuca ay odayaashu ku hadlayeen dabada ka riixayey, ayaa kharash iyo wixii kale ee baahidooda ahba la daba taagnaa, waxana uu kula soo dardaarmay inay si aan kala hadh lahayn u ammaanaan saldhiggaas militeri ee aan weli hawshiisa la isku raacin.

Maxamed Ibraahim Qabo oo dhawaan kusoo biiray golaha wasiirrada, ayaa tan iyo xilligii uu xukuumadda kusoo biiray muujiyey dardar la xidhiidha sidii uu isu muujin lahaa, isla-markaana madaxtooyada umuujiya inuu rabitaankooda ku shaqaynayo oo uu hormood u yahay inuu dhinaciisa qabto tallaabo kasta oo madaxtooyadu qaaddo, isaga oo aan fikirkiisa waxba kaga daraynin.

Waxa kale oo xusid mudan inuu wasiir Qabo xiliigii uu mucaaridka ahaa buugga taariikhda gashaday kelmado iyo odhaahyo milgaha iyo anshaxa caadiga ah ka baxsan, isaga oo kadib dhicitaankii ururkii uu xubinta ka ahaa ee Xaqsoor madaxweyne Siilaanyo u jeediyey eedaymo culus oo ay adag tahay in caddamaymo loo helaa.

A REPLY TAGO

Please enter your comment!
Please enter your name here