Hargeysa (Hubaal) Wasiirka Warfaafinta Waci-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa jawaabka bixiyey hadaladii dhawaan ka soo yeedhayey ee Axsaabta Mucaaridku Xukuumadda uu Madaxweyne Siillaanyo u hogaaminaayo ay ku eedeynaayeen inay doorashaddii si ula kac ah iyadu dib ugu riday, waxana uu sheegay inay Somaliland kaga duwan tahay dalalka kale sida Somalia isku tanaasulka iyo Sharciyada ka jirta.
Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isaga oo shalay magaaladda Boorame kaga qeybgalay Xaflad dad shahaadooyin lagu maamuusay lagu guddoonsiinaayey, ayuu Mucaaridka ku waaniyey inay maskaxda ku hayaan inay Somalialnd dalalka kale kaaga duwan tahay Sharciyada ka jirta iyo Isku tanaasulka oo mar kasta wax lagu xaliyo dawladduna dadaal Xoogan ugu jirto sidii ay dalka Doorasho uga hirgelin la heyd, waxaana uu sido kale hoosta ka xariiqay inay tabashooyin goboladda dalka meel kasta ka jiraan balse aanay jirin cid ama deegaan gaar ah oo wax iyaga loo dhameystiray balse Xukuumaddu ay dadaalayso .
Wasiirka Warfaafinta Waci-gelinta iyo Dhaqanka ee Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), ayaa isaga oo arimahaasi ka hadlaayey waxa uu yidhi “Waxa laga yaaba in aad meelahaasi ama warbaahinta ka maqashaan iyaga oo Siyaasiyiinta Mucaaridka ahi hadalo iyo Ereyo qalafsan oo dhinaca doorashooyinka ah ay ka yidhaahdaan, dhalinyaradda iyo shacabka Somaliland-ba waxaan u sheegayaa Jamhuuriyadda Somaliland waxay kaga duwantay kuwa aynu jaarka nahay ee Somalia iyo dalalka kaleba waa wada tashiga, waxaynu kaga duwanahay waa Sharciga aynu leenahay, waa isku tanaasulka, Waxaynu kaga duwanahay doorashaddii golaha Wakiiladda, dariiqii loo soo maray doorashaddii Madaxweynihii hore ee Daahir Riyaale Kaahin, Dariiqii loo soo maray doorashaddii Madaxweyne Axmed Maxamed Siillaanyo iyo in aynu isku geyno awoodeena inay doorashaddu imika qabsoonto muhiimadduna waa inay dalka doorasho ka qabsoonto”
Mr Cukuse waxa uu intaasi ku daray isaga oo Tabashoyinka goboladda dalka ka hadlaayey waxa uu yidh i“Waxaan leeyahay tabashadu Hargeysa way taala, Boorama ayey taala, Burco ayey taala, Laascaanood ayey taala oo Saaxil ayey taala, magaaladda Boorame marka aad timaado si wanaagsan ayaa biyaha loo caba ma beenbaa taasi, laakiin Hargeysa ma haysato taasi oo Hargeysa mushkilada ugu weyn ee ay ka hadashaana waa Biyo la’aan uun, marka waxa in oo muuqaneysa in aynu ku socono inay meel kasta wax wanaagsani ka jiraan meelona wax ka dhiman yihiin waxaana aan jeclahay in wax qabad la taaban karo oo inta imika ka jirta iyada iyo Somaliland oo dhanba aanu ka qabano”