Hargeysa(Hubaal)-Booliska Magaalada Hargeysa ayaa Xabsiga u taxaabay 8 ka mida Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kaddib markii saaka buuq iyo is-qab-qabsi dib uga dhex bilaabmay Shaqaalaha iyo Madaxdooda. mid kamida Shaqaalaha la xidhay oo qaybta Farsamada ka howl-geli jiray, ayaa Ciidanka Dhaawac u geysteen, kaasoo sida la sheegay xabsiga loo taxaabay isagoo Koomo ku jira.
Shaqaalaha xabsiga loo taxaabay ayaa isugu jira Wariyeyaal, Film qaadeyaal iyo farsamo yaqaaniin, waxaana loo taxaabay saldhiga Macalin Haaruun ee Magaalada Hargeysa.
Farsamo yaqaan Farxaan Finad ayaa xaaladiisa Caafimaad laga dayrinayaa, kaddib markii dhaawac ka soo Handidaad iyo garaacis Boolisku kula kacay.
Si cad looma xaqiinin, mana jiro wax war ah oo kasoo baxay Madaxda Wasaarada Warfaafinta oo la xidhiidha dhacdadan gulufka ka abuurtay Wasaarada, hase-ahaatee waxa loo nisbaynayaa khilaaf ku sal leh isqab-qabasigii hore uga dhex jiray Wasaarada. Wariyeyaal ka tirsan GNA oo tegay Xarunta Wasaarada Gelinkii hore ee Maanta, ayaa loo diidday inay gudaha Wasaarada galaan.
Goobta ayaa waxa ku sugnaa Askar tiro badan, albaabka Wasaarada laga galo, ayaa waxa yaallay Waraaqo Liisto ah oo Shaqaalaha Wasaaradda lagu xaadirinayay, taasoo cidii ku qoran ee Shaqaalaha ah loo sii daynayay gudaha Wasaarada. Qaar kamida Shaqaalaha oo goobta yimi si ay howl-maalmeedkooda shaqo u gutaan, ayaa Magacyadooda laga waayay Liiska xaadiriska ah ee Albaabka la dhigay.
Wariyeyaasha ayaa intii ay dibada Wasaarada Joogeen, waxay indhahooda ku arkeen Xaalad Cakiran oo Wasaarada dhexdeeda ka alloosan. “Waxba maaha ee waa intii u dambeysay ee way iska dhamaanaysaa” sidaas waxa GNA u sheegay mid kamida Saraakiisha Wasaarada ee halkaa ku sugnaa. mid kamida Shaqaalaha ka badbaaday howl-galkan Booliska oo sida uu sheegay cidi caaraddeed kaga baxsaday gacanta Booliska ayaa GNA u sheegay “Way i qabteen, waxay ila dhaceen qoriga dabadiisa, Shaadhkiina way iga jeex jeexeen” ayuu yidhi.
Mid kale ayaa isna yidhi “Saaka halkan waxa ka dhacay wax dawladnimada faddeexad ku ah, waxa nalagu leynayaa waa xuquuqdayadii.” ayuu yidhi “Walaahi yeelli mayno, walaahi yeeli mayno” ayuu raaciyey hadalkiisa. Xubno kamida Khubarada Wasaaradda ama Odayaasha mudada dheer halkaa ka howl-geliyay ayaa hor tubnaa Albaabka laga galo Wasaaradda, inta badan wajiyadooda waxa ka muuqatay af kala qaad iyo fajac.
Saraakhiisha Booliska
Saraakiisha Booliska ee Caasimada Hargeysa oo aanu la xidhiidhnay si aanu dhacdadan wax uga waydiino ayaa ka gaabsaday inay ka hadlaan arrintaas.
Ururka SOLJA
Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, ayaa faddeexad iyo fool-xumo inteeda le’eeg ku tilmaamay dhacdadan saaka ka qaraxday Wasaarada Warfaafinta. Warsaxaafaddeed Ururku soo saaray, ayaa waxa Xukuumadda loogu baaqay inay dhakhso xoriyadooda ugu soo celiso Shaqaalaha la xidh-xidhay.